Sidaynu u Muujin karnaa Calankeena Qiimaha badan Maalinta 18 May?

Muddo 20 sano ayaynu u dabaal degaynay maalintan qiimaha iyo qaayaha badan ee 18 may taas oo laga wada xuso daafaha dunida iyadoo ay wada xusaan dhamaan cid kasta oo jecel jiritaanka qaranimada Jamhuuriyada Somaliland.

 Hadaba sanadkii u dambeeyey ee 2011 ayaa loo xusay sidii ugu wanaagsanayd abid intii aynu la soo noqonay madaxbanaanideenii sanadkii 1991 bishii may 18.

Hadaba waxaa ka muuqda sanadkan in ay dawlada iyo dadwaynaha reer Somaliland ay iska ilaabeen maalintan qiimaha badan iyadoo laga dareemayo diyaargarow wanaagsan dhanka qurbaha

Hadaba waxaa is waydiin mudan sidee ugu haboon oo aynu u muujin karnaa calankeena qiimaha iyo qaayaha badan maaalintan 18 may?

Waxaynu aragnaa in badan oo muuqata in dadwaynaha reer Somaliland ay ka samaysataan calankeena dhar ka kooban isku joogyo ay xidhaan rag iyo dumarba taas oo markay maalintaasi dhamaato aad ku arkayso calankeenii oo yaala meelo aan haboonayn ama laga dhiganayo afmaris ama dhulkaba lagu masaxayo hadaba waxaa haboon in calankeena qiimaha badan ee dhiiga loo daadiyay la ilaaliyo oo maalintaasi ay dadwaynuhu soo qaataan calamo tiro badan oo ay luxaan laakiin hadii dhar laga dhigto lama arki karo calankeena taasna waxaa marag kaaga ah markaad ka daawaynaso Telefishanada waxaad arkaysaa oo kaliyaata madax madow oo markay dadku aad iskugu dhawaadaan lama arki karo dharka ay xidhanyihiin, laakiin hadii qof waliba uu soo qaato xabad calan ah oo uu luxo waxaa hubaal ah in goobta lagu dabaaldagayo ay calan is qariso iyada oo ay taas inagaga fiicanyihiin dadka qurbaha jooga oo aad arkaysay sanadkii dhawayd markay ku hor mudaharaadayeen guriga ra’iisal wasaaraha  ingiriiska iyagoo wada luxaya calanka.

Habada waxaa aan kula talin lahaa dadweynaha reer Somaliland ee jooga gudaha dalka in ay wadaniyad muujiyaan oo ay calanka wada samaystaan oo ay soo wada qaataan maalintaasi qiimaha badan dadka kalena ay wada sudhaan meheradahooga guryahooga iyo meel kastaba.

Qalinkii: Khaalid Cabdi Muuse (Khaalid Casiir)

Email: kh_casiir@hotmail.com