Siday U Madowdahay, Uma Rejo Xuma! – Abdifataax

Waa Taxane Sannadkii Hal mar aan dib u soo Celiyo,Waa Qormadii Sannadkan oo aan kaga hadli doono Arin la xidhiidha Kalsoonida Qofnimo. Si guud Mawduucan waxaan ugu talo galay in aan ku waaniyo ugana Dhigo Aqoon korodhsi Da’yar badan oo ka mid ah Hablaha bulshadeena oo Miciin bidey Quruxna ka raadsadey Dawooyin Kimiko ah oo qaar badan Jidhkoodii iyo Wejigoodii u bedelay Maqaar Xanuunsanaya oo Foolxumo siyaadsadey. Qaar badan ayaa isticmaala, kuwo badan ayaa ku hamiyaya in ay Marsadaan wax Wejigoodan Madowga ka qaada, Kuwo badan ayaa iska daayey marka ay arkeen Dhibta ku Jirta, In badan oo ka mid ahna wey ka badbaadeen Illaaheyna waa kuwo ku kalsoon oo Midabkooda ilaahey  u doortey Raali kaga ah.

Qormadan kagama Hadleyno Quruxda,Kagama Hadleyno Dhibaatada Dawooyinka la is mariyo laga Dhaxley ee Wajiga Haweenka,Kagama Hadleyno in aynu Dood ka furno Ragaa Jecel Midabka cas iyo Habluhu waa guur u joog rabta in ay Yeelato weji soo jiidasho leh,Kagama Hadleyno in Dhibta lagu riixo Raga oo Casaanka Ku raaca kuna Jecel Haweenka,Waxaan kaga Hadleynaa Kalsoonida Qofnimo oo ah Dhab ahaantii waxa Cajiib ah noloshana qurux u ah.

Midabka Wejiga waxa ka horeeya,Dhaqanka,Edebta,Dabeecada iyo Asturnaanta,Waxana fiican in qofku uu ogaado in uu leeyahay tayo badan oo kale oo aan aheyn Midabka Wejigiisa oo qudha.Asturnaanta iyo Diinta Islaamka ayaa u ah Haweenka Qurux iyo sharaf,Dabeecada iyo Xishoodka wanaagsan Ayaa u ah wax iibiya oo lagu Jeclaado.In qurux lagu doorto Haweenka Quruxda Keliya Wejiga iyo Casaanka lagu Sheego ayaan ka soo Horjeedaa, Macnaha Quruxna waa mid aan la isku Waafaqsaneyn. Inantu inta aaney Dawo iyo Wax wejigeeda Bedela ama diirka ka qaada Marsan horta ha is weydiiso in Quruxdu wejiga tahay iyo in Quruxda la isku waafaqsan yahay loona Aqoonsadey Aduunka Wejiga. Haweenka Quruxda Wejigoodu inta badan wuu tagaa wuuna isbedelaa Marka la guursado ama ay caruur dhasho, Xitaa Wejiga ay hadh iyo habeen ka shaqeyneyso ayaa muddo yar isku bedeli doona.

Kalsoonidu waa qofka oo ku kalsoon ugu horeyn Abuurta ilaahey oo aan la Nicin. Waa qof ku  qanacsan Midabka Illaahey u doorey. Gacmo, Lugo, qoor iyo Weji wax la mariyo laguna tirtiro Midabkii abuurta Illaahey Qofka ma dhaxalsiin karto Guul iyo Guri ama guurba haddii aad sidaasi aaminto. Calafka iyo Guurka,Nolosha iyo Reernimadu waxa ay ku Jirta gacanta ilaahey iyo in uu isagu kuugu talo galay,Lagumana helo in Midabka loo badalo oo lagu siro dadka Midab aan Jirin.

Kalsooni  aad ku noolaato,Raalina kaga tahay Midabkaaga Ayaa muhiim ah.Madow iyo Casaan Qofka Qiimo badan kuma kordhiyaan kamana Dhimaan haddii shakhsiyadiisa kale ay liidato.Waxa aynu ku dhiirigelineynaa Haween weynaha gaar ahaan Hablaha da,yarta ee isticmaala Kimikooyinkaasi ay Casaanka ku raadinayaan in ay isku kalsoonadan oo ay ogaadaan in ay yihiin qof jira oo ilaahey abuurey Midabkuna uu yahay Abuur ilaahey soo doorey.Kalsoonida Qofnimo iyo Inanimo ha xoojiyaan.Wey Jirtaa in Fikrad ah Hawenku kalsooni badan ma laha aynu maqalno,laakin sida qudha ee Dawadaasi faraha lagaga qaadi karo ayaa ah Kalsooni in aad yeelato aad ku qabto Quruxda iyo midabka ilaahey abuurey,ilaahey isku xidho kuna kalsoonaato Qadarkiisa oo aad ku sugto.

 

Abdifataah Mahamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com