“Sida naloo sheegay qoys dhan buu oday keliya ka hadhay, waa geeri naxdin leh…” – Guddoomiyaha KULMIYE oo ka Qaybgalay Aaska Dadkii ku Dhintay Daadad ku Fatahay Dila

Boorama (SLpost)- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay aaska toddoba Marxuum oo ku dhintay daadad ku fatahay magaalada Dila ee Gobolka Awdal ee xalay fiidkii.

DSC_4917Guddoomiyaha KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayey oo ka koobnaa wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid yihiin wasiirrada wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta, Hawlaha Guud, Duulista Hawada, Xidhiidhka Golayaasha, Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, Agaasimaha Fulinta ee Komishanka La-dagaallanka AIDS-ka, xildhibaanno iyo madaxda kale, ayaa u tagay degmada Dila ka qaybgalka aaska muwaadiniinta ku qarqoomay daadka roobab waawayn oo ka da’ay deegaamada Gabiley ilaa Awdal, kaasi oo sababay inay fatahaan dhaamam ama balliyo ku yaal duleedka magaalada Dila. Waxa kaloo ujeeddada weftiga qayb ka ahaa inay tacsi gaadhsiiyaan qoysaska iyo bulshada ay ka baxeen dadka dhintay oo badan hal qoys oo keliya iyo sidii gurmad loo gaadhsiin lahaa halkaasi.

DSC_4914Md. Muuse Biixi iyo masuuliyiinta wehelinayey waxay socodkooda ka bilaabeen qubuuraha lagu aasayey dadka ku geeriyooday, halkaasi oo ay tacsi ku gaadhsiiyeen madaxdhaqameedka, odayaasha iyo ehelada ay ka baxeen, isla markaana madaxda Gobolka Awdal iyo degmooyinka Dila iyo Gabiley oo goobta ku sugnaa ayaa warbixino ka siiyey xaaladda roobabka, gaar ahaan xogta shilkan naxdinta leh iyo khasaaraha ka dhashay.

Badhasaabka Gobolka Awdal Mr. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ka warbixiyey shilkan, ayaa sheegay in dhimashada ilaa hadda inta la hayo tiradoodu tahay lix qof, halka tirada dhaawacyadu soo gaadheen yihiin sagaal qof, halka dhawr iyo toban qof oo kale la badbaadiyey iyagoo fuushanaa dhir waawayn oo intooda badan uu saaray askari ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland.

DSC_5158“Ciidanka Qaranka, Booliska iyo dadweynaha oo iskaashanayaana weli baadi-doon bay ku jiraan lagu raadinayo dad kale, dhawr iyo toban qof waxa laga soo guray dhirta waawayn oo markii hore uu saaray askari ciidanka booliska ahi,” ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku tilmaamay shilkan geeri naxdin leh, waxaannu dhambaal tacsi ah u diray qoysaska iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland, waxaannu yidhi, “Geeridani waa masiibo naxdin leh, Ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo qaranka Somaliland oo dhan, Gobolka Awdal, degmada Dila iyo qoysaskii ay ka baxeenba, iyagana Ilaahay ha u naxariisto, sida naloo sheegay qoys dhan buu oday keliya ka hadhay, waa geeri naxdin leh ee Ilaahay samir iyo iimaan iyo cawil khayr qaba ha siiyo.”

????????????????????????????????????

Waxa kaloo Guddoomiye Muuse iyo xubnaha wasiirrada iyo masuuliyiinta wehelinayey ay booqasho tacsiyeed ugu tageen qoysaska marxuumiinta ku geeriyooday daadadkan, iyagoo guri guri ugu tagay waalidka iyo ehelada toddobada marxuum ee geeriyooday oo ay gaadhsiiyeen dhambaalo tacsi, duco iyo inay ku samraan ah, isla markaana waxa masuuliyiintu qoys walba u ballanqaadeen in la gaadhsiinayo wixii lagu taageeri karo.

Dhinaca kale, weftiga Guddoomiyaha oo wehelinayeen madaxda Gobol iyo degmadu waxay kormeereen goobta fatahaadka daadku ka dhacday ee dooxa dhanka Koonfureed ka soo gala magaalada Dila iyo dhaamamka biyuhu soo jabsadeen, waxaanna la go’aamiyey in Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku qaadaan tallaabo degdeg ah oo ay biyaha kaga xidhayaan magaalada.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan) iyo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Md. Xasan Cali Cismaan, ayaa labaduba halkaasi ka ballanqaaday inay si degdeg ah uga hawlgalayaan qorshe biyaha lagaga xidho biyaha, iyagoo kaashanaya injineerrada hay’adahooda.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in tallaabadan biyaha lagu xidhayaa ka dhalatay qiimaynta ay sameeyeen, “Markii aannu isla eegnay xaaladda waxay noqotay arrin degdeg ah oo aan dib loola noqon ee iminka go’aan laga qaato, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wakaaladda Waddooyinkuna way ku mahadsan yihiin degdeg inay u jawaabaan in hawsha la bilaabo, laba qodob uun baa innaga codsi ah oo ah hawsha degdeg loo bilaabo iyo in sida loo qabanayaan si cilmi ah oo aan dib loogu noqon ay noqoto oo qolooyinka farsamayaanka ahi ay aad uga fiirsadaan. Arrintani waa waxa dawladda loo dhistay oo qaranku waa in marka dhibaato jirto dadkiisa u gurmado oo wax u qabto,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi Cabdi.