“Sida ay maanta tahay haddaanad wax ka qaban, haddaad Maanta Dhimato (Siilaanyo) magac-xumaad la dhiman, haddii aad tahay Axmedkii aanu naqaanay”

“Sida ay maanta tahay haddaanad wax ka qaban, haddaad Maanta Dhimato (Siilaanyo) magac-xumaad la dhiman, haddii aad tahay Axmedkii aanu naqaanay”“Markaanu Aragnay Eegmada Shacabka Somaliland soo eegayaan Beesha layidhaahdo Habar-Jeclo oo ah beesha immika xukunka haysa.”

“Markaanu Aragnay Colaadda, Nacaybka, Naanaysta soo kordhaysa ee loo hayo Beesha, kursiga daraaddii.”

London (SLpost)- Qurbo-joogga Waddanka Ingriiiska ee Beesha Yoonis Cabdiraxmaan oo ka mid ah Beelaha Habarjeclo, ayaa shir ay ku yeesheen magaalada London ka soo saaray go’aamo ay ku dhalliileen hoggaaminta Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo ay sheegeen inuu ku fashilmay, waxaanay ka digeen dagaallo iyo iska horkeenis masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo taladii iyo hoggaamiintii dalka ka maroorsaday madaxweynuhu ay doonayaan inay ku burburiyaan shacabka Somaliland.

Maxamed Cabdi Halac oo ah Guddoomiyaha Qurbo-joogga Beesha Yoonis Cabdiraxmaan ee Habar-jeclo, ayaa qodobbo shirkaas ka soo baxay oo arrimko badan uu ku fashiliyey ka akhriyey barnaamij gaar ah oo telefishanka HCTV xafiiskiisa London laga sii daayey. Waxa uu sheegay in nidaamka hoggaamineed ee madaxweyne Silaanyo ku wado Somaliland aanay ka tarjumayn isla markaana baal-marsan tahay Heshiiskii iyo ololihii beel-weynta Habar-jeclo u gashay si ay u hantaan Kursiga madaxtinimada ee dalka xilligii lagu gudo jiray diyaar-garowgii doorashada madaxtooyada horaantii sannadkii 2010-kii, wakhtiganna uu madaxweynuhu taladii dalka iyo Beesha ee lagu uu gacanta u geliyey kooxo xidhiidh la leh waddamo shisheeye oo uu sheegay inaanay u danaynin dadka iyo dalka, isla markaana wakhtigan loo baahan yahay badbaadinta karaamada, magaca iyo mustaqbalka Somaliland, Beesha Habarjeclo iyo Madaxweynaha laftigiisa oo sida uu sheegay hadduu caawa dhinto magac-xumo kaga tagi doono beesha.

HALKAN KA DAAWO