Sicir-bararka Lasoo Dejiyo Iyo Saamayntiisa – W/Q:Abdirashid Ahmed Guleid

abdirashiid-Ahmed4Sicir bararku waa mishkilladaha dhaqaale ee wadan ku habsan kara ta ugu saamaynta xun, isla markaana dhibaatadiisu ay si gaar ahaaneed u sii waxyeelayso danyarta wadanka. Markaa waa dhib ay si weyn uga damqadaan xukuumadaha caalamka ee kursiga ku yimid awooda shacab ama sifo dimuqraadi ah.

Sicir bararka waxa lagu qeexaa marka ay qiimayaasha badeecadaha waddanku ay si guud kor ugu kacaan. Waxyaabaha sicir bararka keenaa way fara badan yihiin waxaana ka midda kuwa soo socda.

Dalabka oo Bata

Waa marka ay bataan dadka waddanku isla markaana waxsoosaarkii aan lala kordhin korodhka dadka. Waxaynu tusaale usoo qaadan karnaa bulshada reer Somaliland oo tiro ahaan aad u korodhay 20kii sanadood ee u danbeeyey, laakiin tiraddii xoolaha nool oo aad hoos ugu dhacay. Isla markaana dalabkii xoolaha nool oo gude iyo dibedba aad kor ugu kacay. Markaa waxaa kala batay dalabkii iyo keenistii xoolaha nool. Taasi ayaa keentay in qiimaha xoolaha nooli uu beryahan danbe cirka isku shareero oo markaasi ay qiimahaasi ka faaiidaystaan dad yar oo xoolaha ka ganacsadaa. Markaa waxa lagama maarmaan noqonaysa in la badiyo soosaarida xoolaha nool si qiimaha loogu soo celiyo heer macquul ah.

Waxsoosaarka oo Yaraada

Xaaladani waxay timaadaa marka iyadoo waxsoosaarka wadanku uu badnaa ay hal mar xaaladaasi waxsoosaar ay isbedesho oo markaasi badeecadii suuqa taalay ee muhiimka ayayd hal mar uu ku dhaco isbedel aad u wayni. Waxa tusaale loo soo qaadan karaa iyadoo nooc quutaldaruuriga wadanka ka mid ah sida garawga oo iyadoo bulshadu ay aad u isticmaasho ay abaari ula timid oo hal mar suuqa laga waayo ama uu si wayn isu dhimo. Markaasi qiimaha garawgu aad buu u kacayaa isla markaana waxa uu kicinayaa qiimaha badeecadaha kale siiba cuntooyinka. Badeecadu markay tahay wax lagama maarmaan ah oo dadkoo dhami u baahan yihiin marka uu qiimaheedu korukac ku yimaado waxuu korukacaasi keenaa in qiimayaasha alaabaha kale oo dhan uu kor u qaado. Tusaale kale waxa loo soo qaadan karaa badeecada shidaalka oo marka uu qiimaheedu korukaco ay arrintaasi keento korukac guud oo ku yimaada qiimayaasha alaabaha kale oo dhan.

Iyadoo ay Timaado Xaaladda Loo Yaqaano Monopoly.

Xaalada MONOPOLY loo yaqaanaa waxay timaadaa marka shay istimaalkiisu bulshsada aasaasi u yahay sida telefoonadda oo kale ay ka ganacsato hal shirkad oo kaliya oo markaasi ay shirkadaasi qiimaha siday doonto ay ka yeesho. Xaaladaasi ayaa loo yaqaanaa MONOPOLY. Monopoly sideedaba waa arrin aanay fiicnayn inay timaado oo maslaxada caamka ama suuqa xorta ah aan ku fiicnayn. Sidaa darteed dawladaha caalamku way la dagaalamaan mana ogolaadaan inay si sahlan ku samaysanto xaaladaasi Monopoly ga loo yaqaan. Laakiin waxa jirta marar badan oo ay xaaladaasi Monoploy ay si dabiici ah isaga timaato. Markay timaadana waxay ka mid tahay asbaabta qiimaha kor u qaada kana qayb qaadan kara in si guud uu u kaco qiimaha badeecaduhu oo markaasi ay xaaladu noqoto sicir barar.

Qiimaha Maciishadda oo Suuqa Caalamka Kor u Kaca

Arrintani waa ta u sabab ah sicir bararka yaalaa ka dhaca Somaliland. Sicir bararka dariiqan ku yimaadana waxa loo yaqaanaa “imported inflation” ama “sicir bararka lasoo dejiyay”. Ballaynu inyar ka nidhaahno waxa uu yahay sicir bararka lasoo dejiyey.

Sicir bararka lasoo dejiyey waxa uu yimaadaa marka badeecadaha wadanka laga isticmaaalaa ay inta badan ka yimaadaan dibeda oo markaasi uu sicir barar ka dhaco suuqa caalamka ee badeecadaha. Sida lawada ogsoon yahay Somaliland badeecadaha lagu isticmaalo intooda badani waxay ka yimadaan wadanka dibediisa, badeecadahaasi ha noqdaan kuwo daruuri ah(basic goods) ama kuwo aan daruuri ahayn (luxury goods). Marka ay wadanka xaaladiisu sidaasi tahay, waxa sicirkaaga xukumaya isbedel kasta oo ku yimaadaa suuqa badeecadaha ee caalamiga ah.

Markaasi waxa lagama maarmaan ah in lawada ogaado in maanta xaalada dhaqaale ee Somaliland ay ku jirto in sicir barar kasta oo wadanka ka dhacaa in asalkiisu uu yahay mid inagaga yimid suuqa badeecadaha caalamiga ah (international commodity market).

Sidee Baa Somaliland Looga Badbaadin Karaa Sicir Bararka Lasoo Dejiyey

Hadaba suaasha isweydiinta lihi waxay tahay sidee baa Somaliland looga khafiifin karaa sicir bararka lasoo dejiyey? Jawaabtu waxay tahay in loo baahan yahay in reer Somaliland ay bedelaan habdhaqankooda xukuumad ahaan iyo shicib ahaanba. Ujeedadu waxay tahay waxa loo baahan yahay in la helo waxsoosaar wadanka gudihiisa ah. Waxaynu ka hadlaynaa sidii sicir bararka lasoo dejiyey aynu isaga khafiifin lahayn maadaama aanay suurogal ahayn in waxsooDEJINteena aynu ku bedelno waxsoosaar waddanka gudihiisa ah muddo gaaban gudaheed. Ma jiro maanta adduunka waddan 100% ka badbaadi karaya sicir bararka lasoo dejiyey maadaama aanu jirin waddan ka maarmi karaya suuqa badeecadaha adduunka. Markaad dhinac ka eegtana falsafada dhaqaale ee maanta adduunka hogaaminaysa (GLOBALIZATION)ayaan ogolaynba in waddan adduunka ku yaalaa uu yidhaahdo suuqa caalamka waan iska oodayaa. Suuqa caalamka marna addigaa u baahan in aad ka iibiso badeecadahaaga marna isagaa kuu baahan in uu kaa iibiyo badeecadihiisa kala duwan. Xaaladda ugu wanaagsan ayaa ah inaad isku miisaami karto baahida aad adigu wadan ahaan u qabtid suuqa caalamiga ah iyo baahida uu isagu kuu qabo. Laakiin nasiib darro Somaliland waxay meel hoose kaga jirtaa wadamada dhaqaalahoodu uu hooseeyo ee markaasi aan isku miisaami karin baahidda ay suuqa caalamiga ah u qabaan iyo waxa ay iyagu usoo bandhigi karaan suuqaasi.

Somaliland xukuumad iyo shacaba waxaa la gudboon inay wadaninimo la yimaadaan oo ay ka dhiidhiyaan inay badeecadaha ay u baahan yihiin oo dhan ay ka raadsadaan suuqa caalamiga ah. Wadanka gudihiisa waa in wax badan oo baahida wadaniyiintiisa ah laga soo saaraa. Taasi waxay ku imanaysaa in gacmaha lays qabsado oo loo soo jeesto sidii looga faaiidaysan lahaa khayraadka wadanka gudihiisa ku duugan. Waxyaabaha sida degdega ah in lagu dhaqaaqo loogu baahan yahay waxa ka midda sibidhka sidii loo soo saari lahaa. Somaliland waa ku nacasnimo inay sibidh kasoo iibsato Cumaan ama meel kale iyadoo aynu wada ognahay awooda uu dalku u leeyahay inuu soo saaro sibidh Somalilandna ku fulin, isla markaana inta la dhoofiyo lagu soo bedelan karo badeecadaha kale ee uu wadanku uga baahan yahay suuqa caalamka. Sidaa si leeg waxa loo baahan yahay in degdeg loo bilaabo in si casri ah loo dhaqdo ama loo soo saaro xoolaha nool oo aynu wada ogsoon nahay in Somaliland lagu soo saari karo inta maanta lagu soo saaro 10 laabkeed oo walibana aynu ognahay in inkastoo aynu soo saarno aynu hayno ciddii iibsan lahayd.