Siciid Sulub Oo Ka Sheekeeyay Dhacooyin Waayo Kala Duwan Xambaarsan Oo Dhex-maray Danjire Cawil

Hargeysa (SL.Post) Wasiirkii hore ee Wasaaradda hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed, ayaa ka sheekeeyey dhacdooyin xiiso badan oo soo kala dhex maray isaga iyo wasiirkii hore ee maaliyaddii Xukuumaddii  Rayaale Xuseen Cali Ducaale(Cawil), haddana la-taliye u ah Madaxweyne Siilaanyo.

 

 

sawirka-sulub

 

Siciid Sulu boo ka hadlayay madal lagu soo bandhigay Buug uu qoray Ambassador Cawil  “Cawil wuu ka xanaaqaa laakiin maanta waan sheegayaaye Subaxii Cawil Inqilaabka dhigay aniga waa la I xalaaleeyey, waxana ay ahayd 1961-dii, anigoo guriga fadhiya ayuu aabahay oo magaalada kasooo noqday noo sheegay in idaacadda BBC-du sheegtay in inqilaabkaas fashilmay dhacay. Cawil markii aan arrintaas uga warramay muu jeclaysan sheekadaas.” Ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed.

 

Siciid Sulu boo hadalkiisa sii watay, “Cawil iyo Cali Waran-cadde si gaar ah baanu saaxiib ahayn oo magacyo-na waa naloo wada bixiyey xilligii UDUB oo raggii la wada eryan jirey baanu ahayn, laakiin nasiiib darro wey iga xariifsanaadeen  markii qoladii KULMIYE ee na wada eryan jirtey ay meesha timi, calooshaan wax ugu yara hayaayoo maalin uu odeygu(siilaanyo)na wada casuumay saddexdayada ayey meeshii dib iigaga hadheen anigana waxba iimay sheegin. Arrintaasna waxan u nisbeeyey dhaqanka badow oo aan kusoo koray iyo iyagoo Hargeysa ku dhashay oo iga ilbaxsanaa.” Ayuu yidhi Siciid Sulub

 

 

Siciid Sulub Maxamed waxa uu intaas ku daray, “Sheekada qisooyinka uu Ex. Wasiir Siciid Sulub ka sheegay saaxiibkii Ambassador Cawil, ayaa madasha si weyn u ruxday, iyadoo siyaasiyiin badan oo halkaas hadallo ka jeediyey hoosta ka xarriiqeen dhacdooyin kuwan lamid ah oo ay la soo mareen Ambassadoorka.”

 

 

Somalilandpost.Hargeysa