Siciid Sulub oo Dr. Gaboose Ku Hambalyeeyay in uu u Tanaasulay Cirro

Hargeysa(SLpost)-Wasiirkii hore ee hawlaha guud mudane Siciid Sulub oo ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay tartanka musharixiinta xisbiga WADDANI, sidoo kalena waxa uu hambalyeeyay Tanaasulka Dr. Gaboose uu ku cadeeyay in aannu la tartamayn Cabdiraxmaan Cirro

“Horta dee tartanka dimuqraadiyaddaa inna faraysa, waxa kale oo ay inna faraysaa sida dastuurkeenuba qorayo in tartankaa qofka ku soo baxaa uu noqdo musharaxa la tartamaya labada xisbi ee kale. Markaa sidii guddoomiyuhuba sheegay waannu soo dhawaynaynaa cid kasta oo is sharaxaysa” ayuu yidhi Mudane Siciid Sulub

 

Mudane Sulub isaga oo hambalyeynaya Dr. Gaboose ayaa waxa uu yidhi “Maalmo dhawayd waxa aan maqlayey saxaafadda qaar oo qoraysay Gaboose oo la tartamaya Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo shalay saxaafadda u cadeeyay in aannu guud ahaanba la tartamaayn Cabdiraxmaan Cirro islamarkaana uu isaga dhisayo. Waan ku hambalyeynayaa ninkaa Dr. Gaboose”

 

https://www.youtube.com/watch?time_continue=1&v=vgXE4ytx2KI