SICIID SULUB: “Kulmiye maah-maahdii baa haysata ahayd; KULMIYE kala raw, Adna iska raw, Dadkana ka raw”

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumaddii UDUB Siciid Sulub Maxamed, ayaa sheegay in dul-qaayaraan lagu yaqaanay Kulmiye wakhtigii uu mucaaradka ahaa iyo hab-dhaqankii ay kula macaamilayeen dawladdii xilligaasi ay ahayd Sharka Kaliya ee haystay dawladnimada Somaliland.

wewSiciid Sulub Maxamed Waxa ku dooday in shacabka Somaliland si wacan u barteen dul-qaad la’aanta iyo kala-dambayn la’aanta xisbiga Kulmiye muddadii ay talada dalka hayeen, wakhtiganna loo baahan yahay in dadku aayahooda ka tashado marka la gaadho doorashada madaxweynaha ee la filayo sannadka dambe inay ka qabsoonto dalka.

Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud oo ka mid ahaa raggii ugu fadallo cad-caddaa Xukuumaddii Xisbiga UDUB isla markaana ay isa soo eedeen Xisbiga Kulmiye xilligii uu mucaaradka ahaa, ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad soo dhawayn ah oo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani maanta ku qaabilay isaga iyo siyaasiin rakaabkiisa ah oo Xukuumaddii UDUB ay ka wada-tirsanaan jireen oo WADDANI ku biiray.

HALKAN KA DHEGAYSO