“Siciid Maxamuud Gaheyr Waxa ‘ILAAHAY Ka Cabso’ Ku Xidhay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland” Xoghayaha Cadaaladda Xisbiga WADDANI

 

Hargeysa  (SL.Post)  Xoghayaha Caddaalada ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ku eedeeyay Xadhigga qoraa Siciid Maxamuud Gaheyr oo muddo toban Maalmood ka badan ku xidhan Hargeysa.

 

Barkhad-Jaamac-Xirsi

 

Barkhad Jaamac Xirsi oo  u waramay Wargeyska Himilo oo aanu warkan ka soo xiganay, ayaa sheegay in Siciid Maxamuud Gaheyr oo ka mid ah Qorayaasha reer Somaliland, sidoo kalena ahna Suugaanyahan lagu xidhay Amar ka soo baxay Wasiirka Madaxtooyada, ka dib buu yidhi markii Qoraagu uu Warbaahinta ku baahiyey qoraallo uu kaga hadlay in Wasiirka Madaxtooyadu faro-gelin ku hayo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka.

 

 

Xoghayaha Cadaaladda WADDANI oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Siciid muddo Laba Toddobaad ah ayuu ku xidhan Xarunta Ciidanka dambi-baadhista ee CID-da, xadhiggiisuna wuxuu ku taxaluqaa inuu aragtidiisa ku cabbiray qoraal uu ku baahiyey Internet-ka, kaas oo uu kaga hadlay Tacaddi iyo dulmi ay Dadka deegaanka Masaluhu ka sheeganayaan Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo ay leeyihiin wuxuu khalkhalinayaan Wasaaradda Duulista Hawada oo ay yidhaahdeen Wasaaradda Duulistu ha u Madax-bannaanaato Nidaamkeeda Maaliyadeed oo faro-gelinta haka daayo Wasiirka Madaxtooyadu. Markaa Siciid wuxuu qoraalka uu baahiyey ku soo gabogabeeyay Maxamuud Xaashiyoow Nin Wadaad ahna waad ahayd ee Ilaahay ka cabso, markaa waxaan leeyahay Maxamuud Xaashiyoow haddaad Dadka ku xidhayso ILAAHAY ka cabso anigaa ku leh ILAAHAY ka Cabso.”

 

 

Xoghaye Barkhad, wuxuu baaq u diray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, “Siciid Maxamuud Gaheyr Xanuunka Macaanka ayuu leeyahay, Muddo ayuu xidhan yahay, Waaran Maxkamadeed oo lagu xidhay ma jiro, Maxkamad la horgeeyay ma jirto, waanu ku booqanay CID-da, waa la noo diiday oo waxa lana yidhi uma gelaysaan, Waayo? waalla Cabudhinayaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Arrintaasi waa nidaam daro halkii ugu dambaysay, waxaana muuqata in Nidaamkii dawladdu isku beddelay dilaalnimo iyo daneysi, markaa waxaanu ugu baaqeynaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare inuu xorriyaddiisa u soo celiyo Muwaadinkaa uu Xorriyaddiisa ka qaaday Wasiirka Madaxtooyadu.”

 

 

Somalilandpost.