Si Togan U Fikir!

 

 

Si togan u fikirnimadu waa in aad doorato in aad nolosha ka eegto dhinaceeda ifaysa amase wanaagsan oo aanad ka eegin dhinaceeda mugdiga ah. Sidoo kale waa qiridda iyo aqoonsiga in aanay noloshu ahayn kaliya caqabado, xanuuno iyo murugo se aad ogaato inay tahay iftiin, caafimad iyo farxad. Sidoo kale si togan u fikiriddu waa in aad eegto wanaagga dadka oo aanad eegin kaliya xumaantooda. Waa ka soo horjeedka si taban u fikiridda oo ah in aad eegto qaladaadka dadka iyo xaaladaha. Si taban u fikiriddu sidoo kale waa diirad saarista hal shay oo qof ama koox ama xaalad ka xumaaday halka malaayiin kale saxmeen iyo guud ahaan inad ku koobnaato uun hab fikirka xun.

Haddaba in aad si taban u fikirto iyo in aad si togan u fikirtaa waa dookh adiga kugu xidhan oo aad dooranayso, waxaanse kugula tallin laha inad sida togan u fikirto(waa iga talo uun). Waa caafimaad iyo xanuun aad kala dooranayso mid kastaabana dheeftiisa ayuu wataa.

Faa’idooyinka ku duuggan in si togan loo fikiro:

■ Dadka sida togan u fikiraa way ka nolol dheer yihiin dadka sida taban u fikira. Ugu yaraan toban sanno ayuu cimrigiisu ka danbeeyaa.

■ Dadka sida togan u fikira way ka asxaab badan yihiin dad ka kale wayna ka farxad badan yihiin.

■ Nolosha qoysnimo dadka sida togan u fikira way kaga nolol wanaagsan yihiin marka loo eego qolada kale.

■ Hoggaamiyayaasha iyo maamulayaasha sida togan u fikiraa way ka go’aan qaadasho fiican yihiin qolada kale.

■ Dadka si togan u fikiraa way ka kalsooni badan yihiin dadka kale.

Isku soo wada duub oo in aad si togan u fikirtaa waxa ay saamayn ku leedahay cibaadadaada, u dhawaanshiyahaaga Ilaahay, dadnimadaada, dhaqankaaga, akhlaaqdaada, dad la dhaqankaaga iyo guud ahaan noloshada.

Si togan u fikir waliga.

Muna Axmed Cumar

Hargeysa,Somaliland

 

BARNAAMIJKA LA TALI DHALLINTAADA

————————————–

Walaalkay|Walaashay waxaan kugula talinaya mawduucan.