Si Dhibirsan Oo Loo Dhaqmo Dadkana Loola Macaamilaa Waxa Ay U Fiican Tahay Caafimaadka

US(SLpost)-Jidhka bani’aadamka dhibta ug ubadanee soo gaadhsiisa khasaaruhu waa sakatiga, walbahaarka, warwarka, diiqadda iyo qulibka, iyo dhammaan xaaladaha nafsiga ah ee la soo dersa oo ku keena xanuunno tiro badan. Laakiin haddii qofku uu xaaladahaas ka badbaado, noqdana qof dadka si dabacsanaani ku jirta u macaamila waxa uu ka dheefaa caafimaad nafsi ah.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Yale ee dalka Maraykanka ayaa daaha ka rogay in si dhibirsan oo dadka loola macaamilaa ay saamayn togan ku leedahay caafimaadka nafsiga ah ee qofka. Natiijada daraasaddan uu Geeska Afrika turjumay oo uu baahiyey wargeyska An-Nahaar ee dalka Lubnaan ayaa daahfuraysa in haddii qofku uu u dhaqmo si dhibirsan, oo uu dadka kula macaamilo dabeecad iyo hab-dhaqan dabacsan ay dabeecaddiisu wanaagsanaato xaaladdiisa nafsiga ahina degto, taasina ay faa’ido badan u keento caafimaadkiisa nafsiga ah iyo ka jidheed labadaba. Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in qofka dadka ka caawiya arrimaha fudud ee nolosha inta badanna u heellan in uu gacan qabto dadka ka hooseeya si ay hawlahooda u qummistaan uu ka faa’iido caafimaad nafsi ah.

Xigasho Geeska Afrka