Si aad Buugaag Badan u Akhridid 2016-ka

Waxa gabaabsi ku sii dhaw oo aynu isa sii macasalaamaynaynaa gu’gii 2015 ee tirsiga miilaadiga. Waxa aynu sidoo kale u diyaar-garoobaynaa qaabbilaadda sannadka cusub ee 2016. Waxa iswayddiin leh haddaba, maxay ayaa inooga qorshaysan in aynu qabanno 2016-ka? Dad badan ayaa toddobaadkan u danbeeya isu diyaariya in ay dejistaan, qabyo-tirtaanna, qorsha-sannadeedkooda, iyaga oo u kala hormaynaya wejiyo kala geddisan; oo ay ka mid tahay inta buug ee ay tahay in uu akhriyo qofkaasi sannadka danbe.

Waxa aynu diiradda saaraynaa sida qofka Soomaaliga ah ee akhrisanaya qoraalkani jedwalka ugu darsan lahaa sidii uu buugaag, ama qoraallo, ka badan intii uu 2015 akhriyay u akhrisan lahaa 2016-ka. Haddii aad gaadhay heer ah in aad akhrido 60 buug gu’gan dhammaanaya, maxay ayaa kuu qorshaysan in aad gaadhid kan bilaabmaya? Ma isla 60-kii dhigane ayaa aad ku soo celinaysaa, mise waa aad ka badinaysaa? Haddii warcelintaadu tan danbe tahay qoraalkan aad akhriyaysaa waxa uu kaa kaalmayn karaa sidii aad hadafkaagaa u gaadhid.

Waxa aynu hoos ku soo taxnay qodobbo talo ahaan ah oo ina geyaysiin kara sidii aynu ugu yaraan u labalaabi lahayn heerkeenna akhris dhammaadka 2016-ka. In aad akhriday qoraalkii “Si aad Hal Buug u Akhridid Maalintii…”, ayaa aan rejaynayaa. Xeeladihii aynu halkaa ku soo aragnay badankooda kuma soo celinayno, markaas waxa lagugula talinayaa in haddii aanad hore ula kulmin qormadaa, iminka aad maqaalkeennan la akhridid.

Talooyin:

1. Go’aan qaado..

Kama-horrayntaba waa in aad qaadataa go’aan ah in aad sannadkaa soo socda badin doontid tirada iyo tayada buugta aad akhrin doontid. Haddii aad qaadatay, qoro oo hoosta meel kaga xarriiqo. Waa muhiim go’aanka aad qaadatid in naftaadu ku laylsan tahay oofinta ballantaas. Waxa aanad isla ogaataan adiga iyo naftaadu in aad leedahay hiigsi muuqda oo cad; tusaale ahaan, ‘100 buug waa in aan akhriyaa 2016-ka, oo halkii 60-ka ay ka ahayd aan 40 kale ku kordhiyaa.’ Waa go’aan.

2. Afka uu buuggu ku qoran yahay waa muhiim…

Marka aad ku jirto in aad xulatid buugga aad rabtid akhrintiisa, waxa caws jiilaal ah in aad ku xisaabtantid luuqadda uu ku qoran yahay. Jirtoo aynu isku dhiirrinayno in aynu ballaadhinno afafka aynu wax ku akhrin karno, haddana inta aad taqaannid kala mudnaan sii. Dhiganayaasha diinta ku saabsan, tusaale ahaan, waxa daruuri ah in aad af Carbeed ku akhridid, si fahanku kuugu soo dhawaado. Buugta sayniska, sirdoonka, kasmo-nafeedda, falsafadda Galbeedka iyo badi aragtiyaha casriga ah laga qoray waxa aad u baahan tahay in aad luuqadda Ingiriisida ku akhrisatid si aad u heshid erayada (terms) la adeegsaday. Waxba yaanan ku soo warwaweejin e aan ku siiyo qaacido yar oo aan qof ahaan ku shaqeeyo: “Buuggu waxa uu dhadhan run ah yeeshaa marka aad ku akhridid afkii uu u doortay qoraagii qoray.” Warkaasi waa uu cad yahay saw ma aha? Ka soco.

3. Mawduuca aad xiisaysid raadso.

 Marka aad doonaysid in aad akhrin fiican samaysid, oo aad wax kala hadhid buuggaa aad qalatay, waxa ay tahay in aad ugu horrayntaba dooratid dhigane ka hadlaya mawduucyo aad adigu qof ahaan xiisaysid. Haa, wixii aan la xiisayni ma xisaabsana. T.D. Jakes ayaa mar yidhi: “Haddii aanad yoolkaaga sixi karin, xiisahaaga waa in aad saxdaa. Muran li’i waxa aad xiisaysaa waxa ay kugu ridi doonaan yoolkaaga e.” [1]

Diiraddaadu xiisahaaga ha qabato

Diiraddaadu xiisahaaga ha qabato

Haddii saaxiibbadaa kuu ammaanaan buug gaar ah, iyaga ayaa uu xiise-geliyay; tan micnaheeduna ma aha in uu adigana ku raalli-gelin karo, sidaa darteed go’aanka ha ku qaadan xiisaha dad kale. Adigu naqayso nooca mawduuc ee aad u bogto, si aanad caajis iyo caga-jiidnimo danbe uga qaadin akhris idilkii. Tan micnaheedu ma aha in la dhiirrigelinayo in aan la ballaadhin xayndaabka aad wax ka akhridid, maya akhri wax kasta, balse hubi in waxaa kastaa yahay wax ayna naftaadu dirqiyid ku dareemayn.

4. Lug-gooyo… uma qalanto in ay lugta kalana ku jarto!

Haddii aad ku khaldantid buug aad wax weyn moodaysay oo uu weyd kugu noqdo, isla jeerkaasna aad ku soo lug go’day oo saw jeldigu ku hoday, bartaa aad ku dareentay in uu yalaalugo yahay buuggu ku jooji. Ma sii jirto sabab aad u siisid waqtigaaga sii akhrinta wax aad qirtay in aanu u qalmin sii wadid.

Buug lagu luloonayo iska jir!

Buug lagu luloonayo iska jir!

Taa beddelkeeda waqtigaaga u wareeji kaga faa’idaynta akhrinta waxqabaddo kale oo nafci leh. Oo maxaa kuu diidaya in aad layliska iyo lulada, kan hore jeclaatid? Waxba! Haddii uu buug B mar ku dagay, ha ka oggolaan in uu mar labaad ku dago, ee u aag-beddelo buug T.

5. Qasab ma aha in aad bogagga oo dhan akhridid!

Dadka badankiisu waxa uu u maleeyaa in ay sandulle ku tahay in ay buugga daba-ilaa-ka-dacal akhriyaan; B ilaa Y! Waajib, iyo xataa sunne toona, ma aha in aad buugga ilaa tusmadiisa ilaa mahadnaqiisa akhridid. Oo kaalay adigu ma waxa aad u socotay in aad wax ka ogaatid ciddii qoraaga caawisay ee uu u mahadcelinayo, mise waxa uu qoray ayaa aad lahayd quudo? Haddii aad ta hore u socotay, akhriste ma tihid ee “faduuli-qoraalleed” ayaad tahay! Haddiise ta danbe qasdigaagu ahaa, hore u soco oo ujeeddadu waxa ay taallaa Hordhaca/Ararta, Gunaanadka iyo inta u dhaxaysa ee qaabka u suuragashan u akhriso, oo ha ku meeraysan magacyada xubnaha qoyska qoraaga ee uu u hibaynayo waxqabadkiisan!

Buugta aan kala qaadno. Midi waa mid aad tixraac ahaan u adeegsanaysid, baadhid aad waddid tusaale ahaan, midina waa ku aanad tixraac waqti xaadirkan u isticmaalayn. Haddii uu buuggu ka hore yahay, waxa kula gudboon in aad ammin fiican la qaadatid, cutubka aad u socotid mooyaane inta kalana aad ka booddid, ama dulmartid, goobaha uu isagu tixraacayana aad adiga laftarkaagu sii baadhid oo aad hubisid. Hawl weeye markan, mas’uuliyadi kaa saaran tahay. Balse haddi aanu noocaa ahayn, fahanka guud ee buugga hel, hana ku sii tiigaalin oo sida dhacda waqti ha ku bixin, in ay ku khalkhaliyaanna ha ka oggolaan, xigashooyinka iyo ilaha tixraac ee uu bixinayo qoraagu, jeer oo aad dhammaysid dulucda buugga.

 6. Erayada mise Aragtida?!

Weligaa ma aragtay dad marka ay buug akhriyayaan qaamuus weyn isa soo agdhiga? Marna buuggii ayuu eegayaa, marna eraygii ku istaaga ayuu dhigshineerka gelinayaa! Waa ruux laba buug akhriyaya, oo aan isdhaadsanayn!

Caqligeennu waxa uu awood u leeyahay in uu isagu maamulo, oo kala hufo, erayada xidhiidhka la leh aragtida uu qoraagu u socday iyo kuwa godadka lagu buuxiyay. Balse haddii aad adigu diiradda saartid sidii aad erayada u fahmi lahayd, oo aad kelmad-kelmad buuggii ku waddid, ii ogsoonoow waxa aad faa’idday micnayaasha erayadaas, oo Ilaahay mahaddii waxa kordhay mugga kelmadood ee aad haysid, balse dhibici kaagama gororayso fekraddii ka danbaysay buuggan aad akhriyaysid. Tolow ma intan ayaad u socotay; ma erayada in aad ka baratid ayaad buugga u soo kala furatay mise in aad fahan ka qaadatid waxa meesha ku qoran? Tacab khasaar!

U daa garaadkaagu ha qabsado shaqadiisa, indhahaagana hawshooda ha ku qabsan, buuggu ma aha mid loogu talogalay in aad qaybtid ee waa ku ujeedka ka danbeeyay ahaa in aad qaybisid; una qaybisid waax fahanku ku jiro iyo waax kaashkaash ah, ta hore liq, ta danbana leef oo ha liqin!

7. Muddo u qabo buuggiiba!

Marka aad sidaa u soo qaadatid buugga ay tahay in aad akhridid, waa in aad isu qabataa muddo cayiman, isna wayddiisaa: horta dhiganahan intee in le’eg ayaa aad kaga fara-xalan kartaa? Tirada kuu soo baxda ka dhabee, oo yayna kula dhaafin.

Waqti isu qabo, hal buug iyo muddo qeexan!

Waqti isu qabo; hal buug iyo muddo qeexan!

Bal u fiirso, laba buug oo midina kugu amaah yahay midna yeddaa yahay, waxa aad hordhammaysaa kan kugu ammaanada ah, sababma? Waxa aad ku xisaabtamaysaa waqtigii uu kuu qabtay qofkii/maktabaddii kuu dhiibay/tay. Oo maxaa diidaya haddii aad naftaada ka soo qaaddid in ay tahay cidda ku deymisay buuggan aad denbaabto adigu ee aad iska dhiganaysid leedahayna: kollayba adiga ayaa leh?! Adiguba waqti isu qabo oo kaga soo dhalaal muddadaa.

8. Akhriskaaga heerar u samee.

Akhriska buugta aan mala-awaalka ahayni waxa ay u baahan yihiin tabo iyo xeelado ka xeeldheer mararka kale, waa in aad ugu yaraan heerar samaysataa. Buugga aad rabtid in aad ka bogatid ayay heerarkai ku run yihiin. Marka koowaad, tusaale ahaan, buugga si guud u akhri. Mar kale cutubkii si gaar ah kuu soo jiita gooni ula bax. Mar saddexaad cutub-hoosaadkii aad caashaqdo, ama aad xiisaynaysid, afduubo oo si khaas ah kulan ula qaado, budlina!

Heerarka akhriska ee buug ad u bogtay

Heerarka akhriska ee buug aad u bogtay

Waa khuddad kugu simaysa in aad si dhumuc leh u fahanto meeshii aad farta u qaaddidba. Marka aad saddexdaa heer isaga soo gudubto, waxa aad samayn kartaa fekrad kale; waxa aad doonan kartaa buugaag kale oo isla mawduucan uu cutub-hoosaadkan aad dooratay ka hadlayay khuseeya.

 Waxa aynu isla wadaagnay siddeed talo oo aynu u aragnay in ay waxtar u noqon karaan dardargelinta damaceenna waxakhris ee sannadka danbe, 2016. Haddii aynu isla qaadanno qodobbadaas, oo aynu dhaqangelinno, waxa la arkaa in gu’ga danbe inoo bisho innaga oo aanay waxba innaga dhul-oollin.

Noloshu waa xaglo badan tahay, waxa aan akhriska u doortay ayaa ah in uu yahay kan keli ah ee kugu simi kara in aad gaadhid xaglihii kale ee noloshadaada. Aynu isbarno, iskuna ababinno, dhaqanka akhrinta, iyo gorfaynta.

Waa inoo dhammaadka 2016-ka iyo adiga oo cirka ku shareeray heerkaaga wax akhris. Yeeshayna awood iyo itaal-akhris oo intii hore ka badan. Nabaadiinno.

Eebboow sannadkaa tegeyana harraatidiisa na baalmari, kan soo socdana hirdintiisa.

W/Q: Cabdicasiis Guudcadde

Email: muslim.guudcade@hotmail.com

www.aragtixora.com