Shirweynihii ugu horreeyey ee lagu gorfeeyo Xalka Dhibaatooyinka haysta Dhalinyarada Somaliland oo maanta furmay iyo Natiijooyinka la filayo inay ka soo baxaan

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furay Shirweynaha dhalinyarada Somaliland oo ay soo qaban-qaabisay Daladda ay ku midaysan yihiin Ururrada dhalinyarada ee SONYO, kaas oo noqonaya shirkii ugu horreeyey noociisa ee Mustaqbalka dhalinyarada lagaga hadlo.

Shirkan oo ka furmay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Hoggaanka Sare ee SONYO, Dhalinyaro tiro badan oo gobollada dalka isaga kala yimi iyo Bahda Fanka oo bandhig-faneed ku soo bandhigay shirka.

HALKAN KA DAAWO