“Shirweyne Qaranna ma Abaabullaan Xisbiyadda Mucaaradku Shir la isku wareejiyay oo socday ma jiro”

Hargeysa(SLpost)- Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inaanay jirin wax shir oo ay ka warhayso oo ay qabanayaan xisbiyada mucaaradka ah ee ka jira dalka, ka dib markii dhawaan warbaahintu qaarkeed qortay in xubanaha la magac-baxay Madasha Wada-tashigu shir qaran oo ay qabanayeen ay ku wareejiyeen Ucid iyo Waddani.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo khamiistii u waramayay warbaahinta ayaa wax laga weydiiyay sida uu u arko madasha wada tashiga ay shir ay abaabulayeen ku wareejiyeen xisbiyada mucaaridka ah, waxaanu sheegay inaanay ogayn shir socday oo xisbiyada mucaaradku qabanayaan ama cid kale u wakiillatay.

Cukuse

Wasiirku waxa uu tilmaamay in xisbiyada mucaaradka ahi aanay qaban shir qaran, balse ay u taagan yihiin u tartanka siyaasadda dalka.
Wasiir Cukuse ayaa ku dooday inaanay labada xisbi mucaarad ee Ucid iyo Waddani ku midaysnayn hanaanka ay u dhaliilaan xukuumadda talada haysa oo ay ku kala duwan yihiin, isla markaana ay leeyihiin ajandeyaal kala gedisan oo ku taxaluqa qaabka ay doonayaan in dalka loo hogaamiyo. “Shir la isku wareejiyay oo socday oo aan ogahay ma jiro, xisbiyada mucaaradkuna ma shiraan oo shirweyne ma qabtaane way tartamaan oo tartanka siyaasadda ayay ka qayb galaan,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas ku daray, “Macnaheeduna maaha labada xisbi mucaarad waxay ka siman yihiin inay dhaliilsan yihiin xukuumadda, waxay ku kala duwan yihiin xukuumadda sida ay u dhaliilayaan, waxay ku kala duwan yihiin sida ay u doonayaan in dalka loo hogaamiyo.”

Cabdilaahi Cukuse waxa uu xusay inaanay wax awood ah u lahayn xisbiyada mucaaradka ahi inay abaabullaan shir qaran. “Markaa iyagu haddii ay xisbi qudha isku noqdaan, waxay noqonayaan xisbi keli ah oo midoobay, waan ka xumahay, ma shiraan, shirweyne qaranna ma abaabullaan laba xisbi oo mucaarad ah ama xisbi mucaarad ah.” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda warfaafintu.

Somalilandpost.net

Hargaysa