“Shirweyne Qaran oo Madaxweynihii ka Maqan yahay Shir Noqon Maayo” – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland

guurtida-somaliandHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland. Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ku tilmaamay sharci darro shir-weynaha qaran ee xisbiyada mucaaridku UCID iyo WADDANI ay sheegeen gogoshiisa dhigayaan si loo faaqido xaaladda guud ee dalka.

“Shir-weyne qaran oo madaxweynahii dalku ka maqan yahay dee shir-weyne qaran noqon maayo, madaxda asxaabtana waanu iska arki,” Gudoomiyaha golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamed Aadan, oo maanta u warramayay qaar ka mid ah saxaafadda.

Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga, ayaa markii hore ku dhawaaqay Shirweynaha Qaran, hase yeeshee dhawaan ayay Xisbiyada mucaaradka ku wareejiyeen qaban-qaabada arrintan, iyaga oo ku dooday inaanu sharcigu iyaga fursad u siinayn inay ku dhawaaqaan Shirweynaha.

Somalilandpost.net

Hargaysa