Shirweyne lagu Falanqeeyey Xaaladda Caafimaadka ee dalka oo maanta Hargeysa ka furmay

Hargeysa (SLpost)- Shir lagu lafo-gurayo xaaladda Caafimaad ee Bulshada Somaliland oo ay isugu yimaaddeen Dhakhaatiirta ka hawl-gala Gobolada, Degmooyinka iyo kuwa dibadda ka yimi isla markaana ay Xukuumaddu ka soo qayb-gashay ayaa maanta ku qabsoomay magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ka furmay Hotel Maansoor isla markaana Berri la soo gabo-gabaynayo, waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qowdhan, Drs Edna Adan Ismaaciil iyo Dhakhaatiirta kala duwan ee Dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo furitaanka Shirka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulan ay dhakhaatiirta  Somaliland oo intaas le’eg isugu yimaadeen, waxaanu iftiimiyey inay inay jiraan arrimo muujinaya in Caafimaadka dalku sii luminayo hab-dhaqameedkii uu u shaqayn jiray, loona baahan yahay in laga gudbo marxaladaas la marayo.

Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil waxa uu sheegay inay xilligan abaaro baahsani ka taagan yihiin Gobolada dalka qaarkood loogana baahan yahay dhakhaatiirta inay gacan caafimaad ka gaystaan dhibaatada jirta oo ay tagaan tuulooyinka iyo deegaanada xeebta Woqooyi ee Somaliland ee ay abaartu ka taagan tahay si ay u caawin la hayeen shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo kulankaasi ka hadlay waxa uu sheegay in marka laga hadlayo Caafimaad aanu micnihiisu ahayn in daawaynta qof xanuunsanaya oo keliya, laakiin ay tahay in la xuso marxaladihii la soo martay xilliyadii iyo dharaarihii kala dambeeyey.

Md. Boobe waxa uu sheegay inay dhakhaatiirtu qiimo iyo qadirin ku leeyihiin bulshada iyo taariikhda, welise ay nasiib darro tahay in dadka qaarkii ay jecel yihiin inay dalka dibadiisa daaweyn u tagaan iyagoo dhaafaya dhakhaatiir aqoon u leh caafimaadka isla markaana yaqaana hiddaha ruuxa ay daweynayaan.

Kulankaas oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka dhakhaatiirta Somaliland waxa kale ka hadashay Drs Adna Aadan Ismaaciil oo sheegtay in xilliyadii kala dambeeyey Xaaladda Caafimaad ee Somaliland wakhti adag soo martay iyadoo xustay in waqtiyada qaarkood ay labo dhakhtar dusha u ridan jireen xaaladda caafimaad ee Somaliland oo dhan, waxayna sheegtay inay dhakhaatiir badani ka soo baxayaan jaamacadaha kuwaasoo tayadoodu soo kobcayso. Drs Edna waxay dhakhaatiirtii madasha isugu yimi kula dardaarantay inay ka feejignaadaan xaaladda qalliinka ee ay ku samaynayaan qofka u baahan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net