Shirweyne lagu Faaqidayo tubtii loo Horumarin lahaa Ammaanka Guud ee Somaliland oo Hargeysa uga furmay Qaramada Midoobay iyo Somaliland

Hargeysa(SLpost)– Shirweyne laba maalmood socon-doona oo lagu gorfaynayo arrimaha Ammaanka iyo sidii Horumar muuqda looga gaadhi lahaa guud ahaan Ammaanka Somaliland ayaa maanta lagu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Shirkan waxa soo qaban-qaabiyey Xafiiska Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana ka soo qayb-galay Wasiirka arrimaha dibada Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka Caddaalada iyo Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen Maxamed Saqadhi Dubad, Taliyaha Ciidanka qaranka Gen Nuux Ismaaciil Taani, Ururrada Bulshada, Xubno ka socday Hay´addaha Qaramada Midoobay ee Xafiisyada ku leh Caasimadda Hargaysa, waxaana laba Cisho ee shirkaasi socdo lagu falan-qayn doonaa sidii loo kobcin lahaa Ammaanka guud ee Somaliland iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee ay leeyihiin Hay´addaasi iyo Laamaha amnigu, iyadoo uu shirkaasi soo xidhmi doono Maalinta beriya.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar oo furitaankii Shirkaas hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in shirkan ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay, isla markaana lagu darsaayo arrimaha la xidhiidha Ammaanka iyo sidii loo xoojin lahaa Amniga dalka. Shirkani waxa uu socon doonaa muddo laba cisho ah ujeedada laga leeyahay waxa weeye in laga wada hadlo qaabkii loo kobcin lahaa Ammaanka guud ee Qaranka iyo meelaha u baahan in la xoojiyo, waxaanu sheegay in Sanadkiiba hal mar la qaban doono shirkan oo kale.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net