Shirweyne Baarlamaannada dalalka Geeska Afrika uga Furmay Jabuuti iyo Nuxurka Qodobbo muhiim ah oo laga filayo

Jabuuti, 07 January, 2012 (SLpost)- Shirweyne ay isugu yimaaddeen Ergooyin ka socda Baarlamaannada dalalka Geeska Afrika ee xubnaha ka ah Urur-goboleedka IGAD ayaa maanta ka furmay magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Shirweynaha oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa ugu horeyn furay Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti Iridis Arna’ud Cali  oo sidoo kale ah guddoomiye kuxigeenaka gudiga fulinta Baarlamaanada waddamada Gobolka ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, waxaanu qudbad furutaankii shirka uu ka jeediyay kaga hadlay xaaladda gobolka sida dhaqaalaha hore marka gaar ahaan isaga oo soo hadal qaaday dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyo Budhcad badeeda iyo dhibaatooyinka  kooxda Alshabab oo uu xusay inay tahay mid khatar ku ah  gobolka  geeska Afrika.

“Sannad kasta waxa la qabtaa shir oo lagaga hadlaa xagga hore marka iyo waxa bajadka u yaala iyo sida oo kale hore marka la samaynaayo ee dalka iyo Xaaladaha ka taagan Geeska Afrika ayaanu ka hadalnaa oo ilaa iyo isniinta waxaanu ka wadda hadlaynaa dhaqaalaha sidii loo adkaynlahaa iyo sida uu Ururkani uu uga shaqayn lahaa xaaladda geeska Afrika.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamanka Geeska Afrika.

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Dalka Kiniya Farax Macalin oo hugaaminaaya Wafti ka socday dalkaas ayaa ka hadlay wax qabadkii Guddigan Baarlamaanadan ay hayaan wuxuu sida oo kale soo hadal qaaday qalalaasaha ka jira Baarlamanka Soomaaliya oo uu ku taliyay in la raaco qalibiyada Baarlamaanka iyo xeerarka u tagsan, waxaanu yidhi; ““Haddii Guddoomiyaha la waayo oo ku xigeenka la waayo waa in Baarlamaanku ay hagaajistaan dhibaatada ka dhextaagan oo ay xaliyaan oo adduunka ma jirto Gole Furihisii jeebka la iska gashanaayo.”

 Cabdi Wali Ibraahin Sheekh  nuday oo ah Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Soomaaliya ayaa isaguna ka hadlay shirkaas. “Waxa lagaga hadlayaa arimo badan sida dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyo Nabad galyo-lanaata Soomaaliya ka jirta iyo Barakacayaasha oo deeganadoodii ka soo kacay iyo xaaladaha dhibaatada ah ee haysata iyaga iyo siyaasada Guud ee Baarlamaanada IGAD ayaa lagaga hadlayaa.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Soomaaliaya Cabdiwali Ibraahin.

Guddiga fulinta Baarlamanadan waddammada Gobolka Geeska Afrika ayaa dalka Jabuuti lagu aas-aasay 2001dii waxayna Sannad walba yeshaan shir, oo kanina waa kii shanaad ee ay yeshaan iyaga oo kaga hadla xaaladaha kataagan geeska Afrika iyo dhaqaalaha.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net