Shirweynaha urur-siyaasadeedka WADANI oo la soo gunaanaday laguna doortay Hoggaan Cusub (SAWIRRO)

Hargeysa, 09 April, 2012 (SLpost)- Shirweynihii koowaad ee Urur-siyaasadeedka Waddani ayaa maanta lagu soo gabo-gabeeyay Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaana lagu ansixiyay xeerarka ururkaasi isla markaana lagu doortay Hoggaan cusub oo ka kooban lix xubnood, kuwaasi oo ka kooban guddoomiye, shan guddoomiye kuxigeen iyo xoghaye.

Shirweynuhu waxa uu guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka waddani u doortey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), halka guddoomiye kuxigeenka kowaadna loo doortey Axmed Muumin Seed oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, guddoomiye kuxigeenka 2aadna loo doortey Faarax Maxamed Cabdile oo ah Xildhibaan Ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland kana soo jeeda Bariga Burco, guddoomiye kuxigeenka saddexaadna waxa loo doortey Md. Cabdilaahi Siciid Ismaaciil (Cabdilaahi Dheere) oo ka soo jeeda Hargeysa, guddoomiye ku-xigeenka afraad waxa loo doortey Cabdi Raygal oo ka soo jeeda gobolka Saaxil, guddoomiye kuxigeenka shanaad waxa loo doortey Milgo Maxamed Cilmi oo ka soo jeeda Hargeysa, waxaana xoghayaha guud ee Urur-siyaadeedka Wadani loo doortey Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ah Maayar kuxigeenka Caasimada kana soo jeeda Hargeysa.

Sidoo kale, waxa shirweynahan lagu ansixiyey guddida fulinta oo ka kooban 35-xubnood, waxa kale oo la ansixiyey oo la meel mariyey 201 ka mida 250- xubnood ee ay guddida fulintu ka kooban tahay.
Waxaana sidaa lagu soo gabagabeeyey Shirweynihii kowaad ee Urur-siyaasadeedka Waddani oo ku dhamaaday jawi degan.

Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo gunaanadkii shirweynaha ka jeediyay khudbad kooban ayaa u mahad celiyay ergadii ku dooratay sida aqlabiyadda ah waxaanu tilmaamay inaanu waxba kala hadhi doonin sidii uu uga midho dhalin lahaa urur siyaasadeedka Wadani.

 

SOMALILANDPOST.ENT

webmaster@somalilandpost.net