Shirweynaha Amaanka Nukliyerka Adduunka oo ka furmay The Hague

Holand(SPOST)Waxaa maanta magaalada The Hague ee dalka Holland ka furmay shirweynaha caalamka uga hadlayo ka hortaga halista iyo sugida amaanka hubka Nukliyeerka.

ShirweynahaNukliyerka240314-1

Shirweynahan caalamiga ah ayaa ah kii ugu weynaa ee la xadhiidha arrimaha Nukliyerka oo in muddo ah la qabto waxaana ka qeyb galaya Hogaamiyayaasha 58 wadan iyo ergo gaareysa 5000 oo caalamka ka kala imaanaya oo ay ku jiraan kuwa ugu qanisan dunnida iyo kuwa leh awooda Nukliyerka.

Shirweynahan ayaa waxaa ka maqan Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo horey loo filayey inuu yimaado balse markii ugu danbeysay ka baaqday, arrintaasi oo lala xiriirinayo xiisada ka taagan dalka Ukraine.

Shirkan ayey ka qeyb galayaan Madaxweynayaal uu kamid yahay Barack Obama iyo hogaamiyayaasha Midowga Yurub oo iyagu si weyn u dhaliilsan dowlada Ruushka, arrintaasi oo la filayo inay la xariirto baaqashada Vladamir Putin oo wafdi heer wasiir ah usoo diray shirka The Hague.

Amaanka magaalada uu shirka ka dhacayo ee The Hague ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoo la xiray dhamaan wadooyinka taga goobta uu shirka ka dhacayo, waxaana sidoo kale laga mamnuucay hawada magaaladaasi inay maraan wax

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland