Shirwaynihii Urur Siyaasadeedka UDHIS Oo Lagu Doortay Hoggaanka Ururkaas, Saamiyo Mug Lehna Golaha Dhexe Laga Siiyey Dhalinyarada Iyo Haweenka

Hargeysa, 11 April, 2012 (SLpost)  – Shirwaynihii 1-aad ee urur siyaasadeedka UDHIS oo mudo Laba maalmood ah ka socday Crown Hotel ee Magaalada Hargeysa ayaa shalay si rasmi ah loo soo gabo-gabeeyey, isla markaana lagu doortay hogaanka, waxaana sidoo kale Madashaas lagu ansixiyey xubnaha golaha dhexe ee urur siyaasadeedka UDHIS.

Shirweynahan ayaa sidoo kale lagu cayimay Saamiga ay haweenka iyo dhalinyaradu ku yeelan doonaan Ururka oo ay u codeeyeen ergadii kala duwanayd ee Shirweynaha fadhiday, kuwaas oo ka kala yimid gobolada Somaliland.
Ergooyinkii shirka fadhiyey ayaa Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDHIS u doorteen Ibraahin C/Laahi Xuseen (Dhagaweyne), halka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad loo doortay Ibraahim Aadan Gadiid, waxaana Guddoomiye ku xigeenka 2-aad-na loo doortay Md. Qoorseef, iyada oo Xoghayaha Guud ee Ururkaasina loo doortay Siciid X. Axmed.
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UDHIS oo markii la doortaday ka dib halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey ayaa uga mahad celiyey xilka ay doorteen ergadu, isaga oo balan qaaday in uu u hawl gali doono sidii ajandaha ururka u hir gelin lahaayeen, waxaana hadaladii Guddoomiyaha ka mid ahaa oo uu yidhi “Aadbaanu idiinka mahad celinaynaa sida aad masuuliyada noo saarteen, waxaananu balan qaadaynaa in aanu hir gelin doono ajandaha Ururka, kuna dedaali doono sidii Ururka loo horumarin lahaa ilaa inta uu Xisbi ka noqonayo”.

Shirweynaha Ururka UDHIS oo labadii maalmood ee la soo dhaafay si habsami leh uga socday hotel Crown, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey in la kala saaro Guddoomiyaha Ururka iyo Musharaxa ururka taas oo cod gacan taag ah ay ku ansixiyeen Ergooyinkii ka soo qaybgalay shirkaasi. Waxa kale oo ergooyinkii ka soo qayb galay ay gacan taag ku ansixiyeen in saamiga ay haweenku ururkaasi ku yeelanayaan uu noqdo 30%, halka saamiga dhalinyaradu ku yeelanayso Ururkaasi uu noqon doono 30%, waxaanay Guddida hogaanka shirweynuhu sheegeen in Saamiga ay yeelanayaan dadka Naafada ah iyo Beelaha laga tirada badan yahay ay dib ka qeexi doonaan saamiga ay yeelanayaan Hogaanka Ururku.
Golaha Dhexe ee Urur Siyaasadeedka UDHIS ayaa tiradooda laga dhigay in ay noqon doonto 42- xubnood.

SLpost News/Hargeysa