Shirkii Madaxdhaqameedka Bariga Sanaag Ee Ka Socday Badhan Oo Lagu Kala Kacay Maanta

Badhan(SLPOST)Kulan ay manta isgu yimaadeen Ismida Bariga Sanaag ee Gobolka Badhan, ayaa la sheegay in lagu kala kacay, ka dib markii la isku mari waayey ujeedada shirkaasi loo qabtay.

isimada bariga sanaag

Kulan ay manta isgu yimaadeen Ismida Bariga Sanaag ee Gobolka Badhan, ayaa la sheegay in lagu kala kacay, ka dib markii la isku mari waayey ujeedada shirkaasi loo qabtay.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyey Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, ayaa waxa ka qayb galay Madaxdhaqameed, Wax garad kala duwan, Aqoonyahan iyo dadweyne kale, waxaana ujeedada shirkani uu ahaa in Gobolka Badhan ee Bariga sanaag la raaciy Puntland.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay shirkaasi, balse sida ay Warbaahinta  u xaqiijiyeen dad  ku sugan magaaladda badhan oo shirkaasi manta goob jog ka ahaa, ayaa waxa ay sheegeen in shirkaasi lagu kala kacay oo aan wax natiijo ah laga gaadhi, ka dib markii ay xubno badan oo madaxdhaqameedka ka qayb galay ahi ku gacan saydheen in gobolka badhan uu ka mid noqdo Puntland, taasi oo la sheegay in uu suldaanka guud doonayey.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu shirkani socday muddo saacado badan ah, isla markaana uu ka dhashay buuq iyo dood adag oo dhex martay xubnihii kala taageersanaa in deegaanka la taageersiiyo Somalilandiyo puntland, kuwaas oo markii dambe isku mari waayey figradohooda oo ku kala dareeray shirkaasi.

Qaarka ka tirsan warbaahinta  oo la xidhiidhay qaar ka mid ah madax dhaqameedka ka qayb galay shirka, ayaa ka gaabsaday inay wax faah faahin ah ka bixiyaan, iyaga oo si kooban u sheegay in ay weli shirar u socdaan oo ay arrintaasi ku guda jiraan, waxaanay warar xogogaal ahi sheegayaan in xubno badan oo ka mid ah madaxdhaqameedku taageereen in Somaliland uu gobolu ka mid yahay, halka ay qaar kalena taageereen in uu Puntland ka mid yahay, taasina ay sababtay in uu shirkaasi ku soo dhamaado is afgaran waa.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland