Shirkado Caalami ah oo xukuumadda Somaliland u wakiilatay Xakamaynta dheefaha shacabka ee heshiiska DP World

Magacyada 3 shirkadood, khibradooda iyo hawlaha loogu wakiishay

Hargeysa (SLpost)- Xogo cusub oo ku saabsan diyaarinta heshiiska maalgashiga ee shirkada DP World iyo xukuumada Somaliland dhowaan hordhaciisii ku kala saxeexdeen dalka Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in xukuumada Somaliland u wakiilatay shirkado caalami ah u metelayaan diyaarintiisa.

mnbHeshiis maalgashi gaadhaya afar boqol oo milyan dollar oo shirkada DP World ku maalgelinayso casriyeynta dekeda Berbera, lana saxeexatay xukuumada Somaliland bishii June is-afgarad hordhac ah ayaa xogo cusub oo soo baxay sheegayaan in xukuumada Somaliland ugu xilsaaratay shirkado caalamiga ah inaanay heshiisyadaasi noqon kuwo lagu marin-habaabiyo dheefaha shacabka uga soo bixi doona hirgelintiisa.

Shirkadahan oo tiradooda saddex tahay, isla markaana shaqooyin kala duwan ku takhasusay, kana soo qabtay wadammada caalamka kuwa horumaray iyo soo korayaba ayaa la sheegay in  Xukuumadu u qabsatay inay shaqada u fuliyaan, isla markaana khidmada shaqadooda u dhamaystirtay.

Shirkadaha xukuumada Somaliland u wakiilatay inay u metelaan diyaarinta heshiiska maalgashiga dekeda Berbera ee dhexmaray shirkada DP World ayaa xogahu sheegayaan inay ugu horeyso shirkada Simmons & Simmons oo xarunteedu tahay Ingiriiska, kuna takhasustay dhinaca sharciyada, oo u meteli doonta shacabka Somaliland sidii shuruuc tifatiran loogu qori lahaa heshiiska maalgashiga ee u dhexeeya DP World, isla markaana waafaqsan nidaamka heshiisyada caalamka.

Shirkada EY Building a better working world, oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa loo xilsaaray inay dhinaca dhaqaalaha heshiiskan dhinacyadu kala helayaan u metesho xukuumada, iyo inaan lagu daciifin saamiga shacabku ka helayaan faa’iidada heshiiskan iyo waxii la xidhiidha.

Shirkada NIRAS oo fadhigeedu yahay dalka Denmark ayaa sidoo kale la sheegayaa in xukuumada Somaliland uga wakiil tahay qaabka loo diyaarinayo heshiiska, maadama ay ku takhasustay ka talobixinta maamulka mashaariicda lagu horumarinayo wadamada caalamka.

Saddexdan shirkadood oo si weyn looga yaqaano caalamka, kuna takhhasusay dhinacyada xukuumada Somaliland u wakiilatay, sida hore iyo xilliganba in badan oo wadamada caalamku ugu wakiisheen, kuna metelaan heshiisyada dhexmaraya dhinacyo kale ayaa xogahu sheegayaan in loo dhamaystiray dhamaan khidmahihii shaqadooda, isla markaana la shaqeeyaan khubaro kaloo Somaliland u dhalatay mid walba.

Gebagebada dhamaystirka heshiiska maalgashi ee u dhexeeya shirkada DP World iyo xukuumada Somaliland ee casriyeynta iyo balaadhinta dekeda Berbera oo la saadaalinayaa in qalinka lagu duugo saxeexadiisa horaanta bisha August, isla markaana la bilaabo dhimaha dekeda cusub oo dhererkeedu gaadhayo 400 mitir, oo lagu kordhinayo adeegyada dekeda Berbera, ayaa kaalinta shirkadahan xukuumadu u xilsaaratay la rajaynayaa inay ka soo baxo heshiis shacabka Somaliland ku qancaan.

Soo ifbaxa xogahan tilmaamaya shirkada caalamiga ee xukuumada Somaliland u xilsaaratay inay shacabka Somaliland u soo gooyaan heshiis dhinac walba aan luminayn faa’iidooyinkii laga heli lahaa, ayaa noqonaya mid kalsooni weyn ku sii kordhisa bulshada, oo intooda badan u dhegtaagayaan bilowga maalgashigii ugu badnaa abide e dalkoodu ka helo caalamka, dariiqana u furi doona maalgashiga kheyraadka dalkeenu ceegaaga.

Wariye Maxamuud Walaaleeye