Shirkadda Xayeysiisyada Ee Asal Printing Oo Hadiyado Ku Xardhan Astaanta S/land Gudoonsiisay M/ Ku xigeenka Iyo Xubno Wasiiro Ah

Hargeysa, 01 March, 2012 (SLpost) – Shirkadda Xayeysiisyada ee ASAL PRINTING AND ADVERTISING COMPANY ayaa alaabaha ay samayso oo noocyo badan leh ku soo bandhigtay Maharajaan ay shalay Huteel Maansoor ku soo bandhigtay Shirkadda KMC (Kow Media Cooperation), kaas oo lagu soo bandhigayey Qaybo kala duwan oo Farshaxano ah.

Asal Printing And Advertising Company ayaa waxa ay Madashaas badhig Filimeedka ee lagu soo bandhigayey Sawiro Farshaxan ah oo qaar gacanta lagu sawiray, sawiradaas oo katurjumaaya adkaynta nabada, wadaninimada iyo xusuustii sanadguuradii 21 ee 18may, doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay iyo qaar kale oo badan.

Shirkadda Asal ku soo bandhigtay qayb ka mid ah alaabooyinka ay Farsamayso oo ay ka mid yihiin Shandado, Koobab, Silisyo, garamo, Calamo, qalimaan, koofiyado, bilado, kuwaas oo dhamaantood lagu Farshaxameeyey Astaanka Calanka Somaliland ee Saddexda midab leh.

Shirkada Asal Printing ee Bandhigan ka qaybqaadatay ayaa iyadu looga bartay inay Samayso Xayeysiisyo aad u qurux badan, isla markaana ah shirkadda ugu wayn dhinaca Xayeysiisyada Somaliland, Asal Printing And Advertising Company ayaa iyada lagu xasuustaa Carwadii Ganacsi ee ugu waynayd ee Somaliland ka qabsoonto 20-kii sanadood ee ay jirtay, taas oo dhacay December sanadkii hore ee 2011, kuna kulmeen in ka badan 100 shirkadood oo isugu jira kuwo Wadani ah iyo kuwo Ajanabi ah.

Dhinaca kale Markii uu soo booqdey madaxwayne ku xigeenku madashaas ay shirkadda ASAL Printing kusoo bandhigeysay alaabooyinkaas, ayaa masuuliyiinta shirkadda ASAL waxay madaxwayne ku xigeenka iyo xubnihii wasiirada ahaaba gudoonsiiyeen, hadiyado, iyadoo madaxwayne ku xigeenka iyo xubnihii la socdayba ay aad uga mahadnaqeen shirkada ASAL printing oo ah shirkad wadaniya.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net