Shirkadda WATERSHED Oo Adeegyo Caalami Ah Ku Soo Bandhigtey Carwada Ganacsiga Somaliland

Hargeysa (SLpost)- –Shirkadda Adeegyada Sharciga ee Watershed ayaa si mug leh uga qayb qaadatay Carwada Ganacsiga Somaliland oo maanta ka bilaabantay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha shirkadda WATERSHED Garyaqaan Xasan Faarax Muxumed oo saaka warbaahinta ugu warramayay madasha bandhigga carwada Ganacsiga ee Somaliland ayaa sharraxaad ka bixiyay adeegyada ay qabtaan, isaga oo faahfaahin ka bixiyay muhiimadda ay adeegyada sharcigu u leeyihiin aasaaska iyo hawlaha Ganacsiga.

Guddoomiyaha WATERSHED

Garyaqaan Faarax oo wax laga weydiiyay sida ay uga qayb-galayaan carwo-ganacsiyeedda Somaliland, maadaama ay shirkadaha Ganacsigu carwadan kaga qayb-gelayaan iibka badeecadaha kala duwan ee ay ka ganacsadaan, ayaa sheegay inay iibinayaan Adeegyo Sharci, ““Qolyaha qaarkood waxay soo bandhigayeen badeecado, laakiin annagu waxaannu ka iibinaynaa adeeg sharci,”” ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirkadda Adeegyada Sharci ee WATERSHED.

Guddoomiyaha WATERSHED, waxa uu sheegay in ay macaamiishooda u fududeyn karaan arrimaha sharci ee kaga xidhma adduunka kale, isla markaasna ay ganacsatada ka caawin karaan guud ahaanba shuruucda saameynta ku leh hawlahooda, ““Shirkadaha waxaannu ka caawin karnaa shuruucda saameynaya hawlahooda, haddii ay tahay shuruucda shaqaalaha, maalgelinta iyo aasaaska intaba,”” ayuu yidhi Garyaqaan Xasan Faarax, isaga oo intaas raaciyay, “”Dadka raba inay ku midoobaan shirkado ganacsi, waxaannu ka caawinnaa wixii ay ku heshiin lahaayeen ee sharci ah.””

Garyaqaan Xasan Faarax waxa uu sheegay in shirkaddooda WATERSHED ay tahay shirkadda keli ah ee waddaniga ah ee hawlaha sharciga ka shaqaysa, ““Waxaannu nahay shirkadda keli ah ee waddaniga ah ee hawlahan ka shaqaysa, waxaannu shaqadayada ka bilownay Somaliland, laakiin, maanta waxaannu ka hawlgalnaa Caalamka oo dhan,”” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray in ay ka tirsan yihiin ururka Caalamiga ah ee Qareennada Dunida (International Lawyers Network) oo ay ku midoobeen 186 dal oo adduunka ka tirsan.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda WATERSHED ayaa si gaar ah uga dhex muuqatay madasha bandhigga carwo-ganacsiyeedda Somaliland, maadaama ay ahayd shirkadda keli ah ee ka shaqaysa hawlaha sharciga ee ka soo qayb-gashay bandhiggan.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net