Shirkadda ugu weyn ee Bixisa Adeegyada Sharci ee Somaliland oo qabatay tabobar kor loogu qaadayo Xirfadda Garyaqaannada Dalka

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda ugu weyn adeegyada sharciga  Somaliland oo lagu magacaabo East Africa Law Firm, ayaa tabobar aqoontooda kor loogu qaadayo u furtay xubno ka tirsan bahda Qareennada Somaliland ee ku mideysan ururka qareennada ee SOLLA, waxaana tabobarka ka qayb-galay khubaro heer caalami ah oo ka socday hay’adaha sharciga ee ugu caansan adduunka,kuwaas oo qayb ka ahaa tabobarkan oo kor loogu qaadayo aqoonta qareennada Somaliland si ay ula jaan-qaadaan heerka Aqooneed ee Qareennada Adduunka.

Garyaqaan Hamse

Kulanka aqoon-korodhi ee loo qabtay Qareennada Somaliland oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socotay xafiisyada haya’daha Qaramada Midoobay ee UNDP iyo UNSOM ee magaalada Hargeysa, waxa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Shirkadda soo qaban-qaabisay tabobarka ee East Africa Firm Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi oo faahfaahin ka bixiyey ujeeddada loo qabtay tabobarka iyo muhiimadda uu u leeyahay sharci-yaqaannada ka faa’idaysanayay aqoonta lagu gudbinayey kulanka.

 

Tababarradan ayaa noqon doona kuwo taxane ah, iyada oo dhowaanna la qaban doono tababarro kale oo kor loogu qaadayo xirfadda qareennimo, si ay wax uga taraan kobcinta tayada garsoorka Somaliland.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE