Shirkadda TELESOM oo Soo bandhigtay Adeeg Cusub oo Xal u noqon kara Hakadka Waxbarasho ee uu sababay Ka-hortagga Caabuqa CoronaVirus

 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, ayaa maanta soo bandhigtay Adeeg cusub loogu magac daray TABSERA, kaasi oo ay goobaha iyo Dugsiyada waxbarashadu si toos ah uga gudbin karaan Casharadda qaab toos ah oo xagga Internetka ah (Online).

Nidaamkan Waxbarasho ayaa lagu soo bandhigey munaasibad lagu qabtay Xarunta shirkadda Telesom ku leedahay xaafadda Shacabka magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay Wasiirrada Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda iyo Waxbarashada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Guddiga Sare iyo Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, masuuliyiin ka socday Jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud, Machadka Tababaradda Shaqaalaha Dawladda, dalladaha iyo maamulayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Md. Cabdikariin Maxamed Iid oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in adeegan cusub ee TABSERA uu dabooli doono baahida waxbarasho ee uu hakadka galiyey ka-feejignaanta xanuunka Coronavirus.

Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Md. Cabdikariin ayaa sidoo sheegay inay tahay maalin taariikhiya oo adeegani saameyn weyn ku yeelan doono mustaqbalka waxbarashada dalka.

“Wargeyska the Guardian ayaa qortay in 850 milyan oo arday ay hadda iskuulada dibadda ka joogaan. Waxaynu halkan u joognaa sidee bay ardeydeenu waxbarashada u sii wadan karaan”, ayuu yidhi Md. Cabdirkariin Maxamed Iid.

Md. Cabdikariin ayaa yidhi, “Waxaanu balan-qaadeynaa in wixii loo baahdo ee Tiknoolaji ah ama kaabo dhaqaale ah ee anaga dhinacayaga nagu xidhan, intaanu gacan ka geysan karno ka geysano, insha Allaah”.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Md. Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay nidaamka Waxbarashada Online ah ee Tabsera, isagoo ka hadlay faa’iidada uu leeyahay.

“Waxaan ku hambalyeynayaa shirkadda Telesom inay inoo soo bandhigtay system-kam. E-learning-ku wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid tahay in ardeygu wixii loo duubay inuu dib u akhriyo ama u dheysto,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) ayaa si weyn u soo dhaweeyey nidaamka Waxbarashada TABSERA waxanu sheegay inuu wax weyn ka tari doono horumarinta waxbarashada Somaliland.

“Arintan aynu maanta iskugu nimid aniga dhawr meelood ayey farxad iiga tahay, ta koowaad, barnaamijkani waa mid waxbarashadda wax ka tarayaa, mar labaad waxaan ka tirsanahay guddidii madaxweynuhu magacaabay ee u toog-heynta xanuunka hadda yimid, oo markaa sii wadista warbarashada wax ka tarayaa”, ayuu yidhi wasiirku.

Masuuliyiin ka socday Jaamacadaha Camuud, Hargeysa iyo Machadka Tababaradda Shaqaalah Dawladda ee CSI ayaa sheegay inay ka faa’iidan doonaan hanaankan waxbarashada Online ah ee TABSERA.

Guddoomiyaha dugsiyadda Al-daareyn Sheekh Maxamed Sheekh Dalmar oo door weyn ka soo qaatay, fikraddo bandanna ku soo kordhiyey hanaankan warbarashada online-ka ah ee TABSERA oo ka hadlay xafladda ayaa shirkadda Telesom ku bogaadiyey hirgalinta adeegan waxbarasho, isaga oo sheegay inay ka wadda shaqeyn doonaan dugsiyada waxbarasho iyo shirkaddu sidii loo sii horumarin lahaa.

Maamulaha guud ee dugsiyadda Nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahim Maxamed oo ka hadlay munaasibadda daah-furka ayaa waxa uu yidhi, “Barnaamijkan waxaa la yidhaahdaa TABSERA. Tabsera waa kalmad Quraan ah. Magacaa aad baan u bogaadinayaa ciddii bixisay, khayr Allaha ha siiyo. Waa magac aad u qiimo badan Tabsera. Aduunyadda hal-abuurka iyo ibdaaca iyo in mashaakilaadka xal loo helaa waa waxa ummaduhu isku dhaafaan”.

Barnaamijka TABSERA ayaa ah tiknoolajiyad ay isticmaali doonaan dhammaan goobaha waxbarashada iyagoo adeegsanaya macalimiintooda iyo manaahijtooda, iyadoo waliba adeeggan ay si wada jira ah u isticmaalayaan macalinka, ardeyga iyo waalidka.

Sidoo kale Barnaamijkan ayaa leh sabuurad Digital ah oo leh dhamaan agabta wax lagu qoro iyo kuwa wax lagu sawiro. Sidoo kale waxaa si toosa u wada xidhiidhi kara ardeyga iyo macalinka, sida ay sheegeen masuuliyiinta shirkadda ee adeeggan Daah-furay maanta.

Somalilandpost.net