Shirkadda TELESOM oo shaaciyey inay u hogggaansantay go’aamadii Xukuumadda iyo Farriin ay u bulshada u dirtay

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa shaaca ka qaadday inay u hoggaansantay isla markaana ay fulisay go’aamo ay xukuumaddu ka soo saartay qorshe lagula tacaalayo hoos u dhac ku yimi qiimaha Shilinka Somaliland, kaas oo sababay kor kac iyo sicir barar saameeyey maceeshadda iyo badeecadaha kala duwan.

Qorshahaas oo kor loogu qaadayo isticmaalka Shilinka Somaliland, ayaa shirkaddu fulisay kaddib markii ay joojisay in isticmaalka adeeggeeda Zaadka lagu kala dirsado lacag ka yar 100 Dollar, iyadoo shirkaddu adeegyadeeda ay bulshadu isticmaasho u beddeshay lacagta Shilinka Somaliland.

Madaxa Waaxda Ganacsiga ee Shirkadda Telesom Cabdisalaan Ismaaciil Nuur oo manta u warramay oo manta warbaahinta u mariyey shacabka adeegyo ay soo kordhiyeen iyo go’aamada xukuumadda ee ay u hoggaansameen, ayaa ka warbixiyey tallaaboyin ay qaadeen iyo qorsheyaasha u dejisan.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN, KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE

https://youtu.be/742f1mG3vSw