Shirkadda TELESOM oo Lagu Ammaanay Hir-galinta Adeega ZAAD

Warbixin uu diyaariyay ururka GSMA,  oo ah urur ay ku bahoobeen shirkadaha ka shaqeeya shabakadda isku xidhka mobiladda ayaa si qoto dheer uga hadashay hirgelintii, hababka uu ku guulaystay iyo isticmaalka adeeg ZAAd ee shirkadda TELESOM. Warbixinta waxa lagu xusay in Shirkadda TELESOM ay tahay hogaamiyaha shirkadaha isku xidhka shababkada mobilka Somaliland, una adeegto macaamiil lagu qiyaasay hal milyan oo macmiil, oo u dhiganta 85% suuqa adeega mobilka Somaliland.

Shirkadda TELESOM ayaa sanadkii 2009 waxay soo kordhisay adeeg cusub oo noqonaaya kii ugu horeyay ee wadanka (Somaliland) adeega maaliyadeed loo isticmaalo. wakhtigaa intii ka danbeysay adeegan waxa uu noqoday mid hanaqaaday.  Bishii June 2012, in ku dhow 40% macaamiisha isticmaasha  adeega GSM-ka waxay isticmaalaan ama isku diwaan geliyeen isticmaalka adeega ZAAD.

Waxa kale oo warbixinta lagu xusay in TELESOM ay cashar ka baratay, khibaradii iyo hababkii ay ku guuleysteen shirkaddaha ka shaqeeya adeega maaliyadeed ee wadamadda jaarka ah, waxaanay ku dabaqeen casharaddan habka dhaqan dhaqaale ee Somaliland, taasi oo u sahashay in adeegani guulaysto. Macaamiisha adeega ZAAD ee TELESOM waxa ay isticmaalaan celcelis ahaan 30 jeer bishii, tani waxa ay tilmaamaysaa in 8.5 goor ay Somaliland ka sareyso celceliska caalamka.

Adeega ZAAD ee TELESOM  waxa uu ka mid yahay GSMA ee adeega maaliyadeed ee mobilka, waxaana loo aqoonsaday ka ugu wanaagsan adeega maaliyadeed ee caalamka.  Dhanka kale waxa ay warbixintu intaa ku dartay in sanadkii 2012-kii adeeg TELESOM ZAAD services uu ururka caalamiga  ee ay ku bahoobeen shirkadaha isgaadhsiintu  ee  GSMA uu u aqoonsaday in shirkadda TELESOM ay ka mid tahay shan shirkadood ee ugu horeeya aduunka Mobile money transfer (MMT).

Guntii iyo gebogabadii war-bixinahani waxa ay tilmaamayaan guul balaadhan oo u soo hooyatay Somaliland iyo shirkadda TELESOM-ba, waxaanay arrintani tilmaamaysaa xawliga ay shirkadda isgaadhsiinta TELESOM ku socoto marka la barbardhigo shirkaddaha dhigeeda ah ee ka jirra caalamka.