Shirkadda TELESOM oo Deeq Lacageed Guddoonsiisay Guddida Dhismaha Waddada Jameeco-weyn iyo Guddida Dhismaha Buundada Xaafada Sh. Nuur

Hargeysa, 11 April, 2012 (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa saaka deeq maaliyadeed gudoonsiisay Guddidda dhismaha waddada Jameeco weyn iyo Guddida Buundada Xaafada Sh. Nuur ee magaalada Hargeysa.

Xafladda gudoonsiinta deeqda maaliyadeed ee shirkadda Telesom bixisay oo ka dhacay goobaha ay ka socodaan shaqaddaa dhismaha waddada iyo buudada, waxa ugu horayn ka hadlay maamulaha xidhiidhka dadweynaha iyo suuq-gaynta Md. Yaxye Iid Dhimbiil isagoo sheegay doorka ay shirkadda Telesom ka qaadato horumarinta arrimaha Danta guud ee ay bulshadu iskeed iskaga kaashato. Waxa uu Guddomiyuhu hadalkiisa ku bilaabay, “Waxaa farxad weyn noo ah in aan shirkadd ahaan kala qayb-galno guddida dhismaha wadda jameeco wayn oo ah waddo isku xidhaysa wadda madaarka qabata iyo ta  isku xidha xaafada Octobar iyo Star. Run ahaanti markii aanu aragnay shirkadd ahaan dad wax qabsanaya oo waddooyin dhisanaya in aan anagu kala qayb-qaadano horumarka, iyaddoo markasta ay shirkaddu kala qayb-qaadato bulshada wixii horumar iyo wax qabad ah”.]

Md. Yaxye Iid waxa kale oo uu xusay in shirkadda Telesom ay bulshada ka caawiso dhinacyo badan oo ay ka mid tahay waxbarashadda, caafimaadka, abaaraha iyo baahiyaha kala duwan ee bulshadda. Ugud danbayntii Waxaa shirkadda Telesom gudoonsiisay Guddida Dhismaha wadda Jameeco weyn Lacag dhan $ 3,000.

Lacagtaas deeqda ah waxaa Shirkadda Telesom ka guddoomay gudoomiyaha guddida Dhismaha Jameeco weyn Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir, waxaanu amaan iyo mahadnaqa u soo jeediyey Shirkada Telesom, waxaanu yidhi, “Waxaan mahadnaq u soo jeedinayaa shirkadda Telesom ee maanta deeqdan kaga qayb-qaadanaysa wadda Jameeco-weyn dhex ee marta xaafada Maxamud Haybe, lacag dhan $ 3,000. Shirkadda Telesom maaha shirkadda umadda uun ka dhex ganacsata ee waa shirkadda ummadda dib wax ugu soo celisa”.

Shirkadda Telesom sidoo kale waxay deeq lacageed ugu deeqday Guddida dhismaha buundada wadda tagta xabaalaha Naasa-hablood. Bundadaas oo dhib wayn ku haysa baabuurta sidda mayd-ka iyo bulshada dagan daanta Bariga ee xaafada Sh.Nuur ama Kilil-ka. Haddaba shirkadda Telesom waxay dhismaha Buundadaas ugu deeqday lacag dhan $ 2,000.

Madashii lacagtaas lagu kala gudoominaayey waxa ka hadlay maamule ku-xigeenka xidhiidhka dadweynaha iyo Suuq-gaynta Md. Maxamed Cabdi Darbo, isagoo tibaaxay in shirkadda Telesom ay xil wayn iska saarto inay taageerto baahiyaha aasaasiga ee bulshada. Hadaladii maamule ku-xigeenka MPR-ka Telesom waxaa ka mid ahaa, “Shirkadda Telesom oo ah shirkadda u adeegta bulshadda wax badan ayey bulshada kala qayb-qaadataa sida, caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka iyo caawimooyinka dadka dhibaataysan. Shirkadda waxaa u caado ah inay bulshadda ku celiso wixii faa’iido ah, si bulshada loo tuso inay shirkaddu tahay shirkadda ay ummaddu wadda leedahay”.

Ugu danbayntii waxa uu Md. Darbo ku wareejiyey Guddida dhismaha Buundada Kilidhka lacag dhan $ 2,000, waxaanu bulshada u soo jeediyey inay aad ugu dadaalaan inay ka qayb-qaataan horumarinta danta guud.

Waxa isna hadal kooban oo mahadnaq ah soo jeediyey, gudoomiyaha guddida dhismaha Buundada Xaafada Sh.Nuur (Kililka) Sh. Maxamed Muuse Habane, waxaanu yidhid, “Waxaa farxad weyn noo ah haddaanu nahay dadka degga xaafada Sh.Nuur, gaar ahaan dadkii waddan u maraayey xabaalaha Sheekh Nuur. Shirkadda Telesom oo noogu deeqday $ 2,000. Hawshan dhismaha buundadan oo aanu soo wadnay muddo laba sano ku dhow taas oo aan adayg badan kala kulanay hawshaas. Waxaanu walaalaha kale ugu baaqaynaa ee ganacsatada, shirkadda, dadka xaafadan dagan, bulshada magaalada hargaysa iyo dadyowga meelaha kale dagan inay ku daydaan shirkadda Telesom ee muwaadinka ah ee meelkasta oo la joogaba ka qayb-qaadanaysa. Shirkadda Telesom aad iyo aad baanu ugu mahad naqaynaa, waanad tihiin horumuudkii ummadda ahaada waligiin”.

Deeqdan lacageed ee shirkadda Telesom ugu deeqday dhismaha waddooyinkani maaha deeqdii ugu horaysay iyo tii ugu danbaysay. Shirkadda Telesom waa mid had iyo goor ay ka go’an tahay in bulshadeeda dib ugu celiso wixii faa’iido ah ee soo gala, maadaama ay tahay shirkadd bulshaddu wadda leedahay oo tusaale u ah shirkadda dadweynuhu wadda maalgashadaan.

SLpost News/Hargeysa