Shirkadda TEELSOM oo muddeysay Wakhtiga ay joojinayso Isku-beddelka Lacagaha ee adeegga Zaadka

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM, ayaa shaaca ka qaadday inay joojinayso Isku-beddelka Lacagta Shilinka Somaliland iyo Dollar ee lagu isticmaalo adeeggeeda Zaadka muddo Shan cisho ah kaddib.

Shirkaddu waxay sheegtay inay xukuumadda Isla qaateen sidii ay ugala shaqayn lahaayeen tayeynta iyo kor-u-qaadista Shilinka Somaliland, sida uu sheegay madaxa suuq-geynta ee shirkadda TELESOM oo ay si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabteen magaalada Hargeysa madaxda Baanka Dhexe ee Somaliland.

Faahfaahinta warkan, ka daawo Muuqaalkan Hoose.