Shirkadda Somtel oo Xafiiskii 2aad ka furatay Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil

SOMTEL SHEEKH3

“Horta saw maanta noomaydaan keenin Somtel, iga Walla, inaanan mid kaleba qaadanayn,” Bucurde

Sheekh (SLpost)- Xaflad ballaadhan oo lagu furayey xafiiskii 2aad  ee xarumaha  Shirkadda Somtel ee degmada Sheekh ayaa lagu qabtay xarunta Shirkadda Somtel ee Sheekh. Munaasibadda xafladdaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay, waxaa ka soo qaybgalay maareeyaha madaxa shaqada iyo hawlgalinta Cawil Saalax Cabdi, madaxa xidhiidhka iyo horumartinta goballada Aadam Cabdullaahi Cabdalla iyo  Gudoomiyaha Somtel ee degamada Sheekh Cabdiqaadir Cabdillaahi Yaasiin [Baashe], masuuliyiinta sarsare  ee shirkadda iyo shaqaalaha xaruntaas.

SOMTEL SHEEKH6

Waxaa kale oo xafladdaasi ka soo qaybgalay Maayarka Ibraahim Cabdiilaahi Cabsiiye iyo masuuliyiinta kale ee  maamulka Dawladda Hoose, Qaybaha kaladuwan ee bulshada deegaankaasi sida Haweenka, oday-dhaqameedka, dhalinyarada degmada iyo martisharaf kale.

Ugu horeyn furitaankii xafladdaasi waxa ka hadlay Guddoomiyaha xafiiska Somtel ee degmada Sheekh Cabdiqaadir Cabdiilaahi Yaasiin [Baashe], waxaanu ka waramay ujeedada xafladdaasi loo qabtay iyo muhiimadda ay xambaarsan tahay. Mr Baashe waxa uu sheegay inay Shirkadda Somtel ugu talo gashay xafladdaasi ku dhaqaaqidda furitaanka xarunta adeegyada kala duwan ee Somtel, isaga oo sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay dadweynaha reer Sheekh ka raysan doonaan Telefoon qaali ah iyo Internet daciif ah. “Shirkadda Somtel oo aad ka warhaysaan goballada kale  ee ay ka furantahay siday dadku ugu reeyeen  maanta waxay degmada Sheekh idiinka furaysaa adeegyadeeda casriga ah ee kala duwan waxaanan rajaynayaa inaad ka baahi beeli doontaan Telefoon qaali ah iyo Internet caajis ah,” ayuu yidhi guddoomiyaha Somtel ee degmada Sheekh Mr Baase Yaasiin.

“Waxaan idin leeyahay haddii aad tidhaahdaan tii hore ayuun baanu ku qancasanay oo aad tidhaahdaan dhulow kaama kaco dee waxaan filayaa inay waxbadani ku seegayaan” ayuu intaa sii raaciyey Mr Baashe.

SOMTEL SHEEKH5

Intaa ka dib waxaa isna halkaa ka hadlay Maayarka magaalada Sheekh, Ibraamih Cabdillaahi Cabsiiye, waxaanu ka warramay sida ay u dareemayaan ka-degmo-ahaan adeegga hufan ee ay ka rajaynayaan inay bulshadu ka heli doonto, waxaanu yidhi, “Marka hore waxaan soo dhawaynayaa shirkadda Somtel oo soo kordhisay waxaan horey dalka uga jirin, waayo dalka waxaad ku arki jirteen garamaan iyo koofiyado kaliya balse hadda waxay soo kordhiysay cilmi casri ah oo ku  salaysan aqoon iyo ilbaxnimo cusub.” Maayarku waxa uu intaa ku daray, “Haddii aanu nahay Madaxdii degmada waan idin soo dhawaynayaa waanan idinla shaqaynaynaa ka maamul deegaan ahaa.”

Waxaa isna halkaa ka hadlay oday Cawil Diiriye oo ka tirsan odayaasha deegaanka waxaanu ka waramay kaalinta wacan ee Shirkadda Somtel ku soo kordhisay deegaanka, “Adeer anigu maan kala aqoon shirkadaha oo waad ogtihiin inaan ahay oday badaw ah laakiin waxaan dhawaan ka warhelay adeegga hufan ee Somtel hadana waan qaatay kaadhkeedii oo waanigaa sita,” ayuu yidhi oday Cawili Diiriye.

SOMTEL SHEEKH4

Waxaa isna halkaa ka hadlay Oday kamida odayaasha deegaanka oo lagu magacaabo Bucurde waxaanu sheegay inay dadka deegaanku aad ugu baahnaayeen xafiiska 2aad ee Shirkadda Somtel isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka faa’iidaystaan adeegga hufan ee Somtel hadii ay telefoon noqn lahayd iyo hadday Internet ahaan lahayd labadaba “anigu hadal badan odhanmaayee waxaan isu taagaay kaliya inaan u mahad celiyo Shirkadda Somtel” ayuu yidhi oday Bucurde.

Madaxa horumarinta iyo xidhiidhka goballada Aadan Cabdillaahi Cabdalla oo halkaa ka hadlay ayaa ka warbixiyey taariikhda dhidibada loo taagay Shirkadda Somtel iyo dib u habayntii lagu sameeye sannad iyo 5 bilood muddo haatan laga joogo, waxaanu sheegay inay hormar laxaadleh ku tallaabsatay Somtel tan iyo taariikhdaasi kooban oo ay dalka ka shaqaynaysay.

SOMSHEEKH8

Waxaa isna halkaa ka hadlay maareeyaha hawlgalinta iyo shaqada ee Shirkadda Somtel Cawil Salaax Cabdi waxaanu ka waramay hadafka guud ee Somtel inuu yahay sidii ay dhinaceeda uga hormarin lahayd arrimaha bulshada isla markaana ay joogto uga dhigi lahayd kaalinteeda waxqabadka arrimaha bulshada ee ay hadaba gacanta ku hayso.

Dhanka kalana waxa uu carabka ku adkeeyey inaan Somtel dalka looga hirgelin inay dadka jeebadahooda madhiso balse ay taa beddelkeeda wax ku reebto, “Somtel waxaan filayaa inaad horey ugu taqaaneen inay ka jawaabto danaha bulshada iyo hormarkeeda maantana waxaan filayaa inaanu waxbadan ku soo kordhin doono adeegyada ay bulshadu u baahnaayeen waanad arkidoontaa” ayuu yidhi Cawil Saalax. Waxa Cawil sheegay inay Somtel dhawaan Computero ugu deeqi doonto laba School oo ka tirsan goobaha waxbarasahda ee magaalada Sheekh taasi oo qayb ka ah waxqabadka Shirkadda ee ku aadan hormarinta arrimaha bulshada reer Somaliland “idinkaa sheegay inay Somtel tahay shirkaddiinii aniguna waxaan idiin sheegayaa inaanu nahay shaqaalihiinii” ayuu intaa ku daray.

 “Dhawaan waxaanu Computero u keeni doonaa laba kamida Schoollada magaalada si aanu u caawino goobaha waxbarashada degmada” ayuu intaa ku daray maareeyahah dhinaca hawlgalinta iyo shaqada Mr Cawil Saalax Cabdi,ugu dambeytii waxaa xafladda furitaanka xafiiska 2aad ee Shirkadda Somtel xadhiga ka jaray Maayarka degmada Sheekh Ibraahim Cabdillaahi Cabsiiye.\

SOMTEL SHEEKH2Adeegyada cusub ee Shirkadda Somtel ka hirgalisay degmada Sheekh waxay ka kooban yihiin Telefoonada Mobile-ka gacanta lagu qaato  iyo midka xafiisyada, guryaha la dhigto ee Land line-ka loo yaqaano iyo adeegga lama huraanka ah ee Internet-ka kaasi oo ah mid xawaarihiisu aad u sareeyo.

Dhanka kale dadweynaha ku dhaqan degmada Sheekh ayaa durbadiiba si weyn oo kal  iyo laab ah u soo dhaweeyey furitaanka xafiiska cusub ee Shirkadda Somte ee loogu talo galay inuu u adeego bulshada deegaankaasi “Maashaa Allaah aad iyo aad baanu ugu faraxsanahay inay saaka Somtel noo timid adeeggeeda casriga ahna aan baanu ugu baahnayn” sidaa waxaa ku hadaaqay mid kamida macaamiisha cusub ee Somtel oo ka tarjumayey dareenkiisa farxadeed ee xafiiska Somtel ee laga furay maanta degmada Sheekh iyo shaqaalah ka hawlgalidoona xaruntaasi.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net