Shirkadda SOMTEL Oo Soo Bandhigtay Adeeg Cusub Oo Ay Ugu Magac Dartay DANAN (Caller Ring Back Tone)

Hargaysa (SLpost)- Masuuliyiinta shirkada SOMTEL oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda magaalada Hargaysa, ayaa waxa ay ku shaaciyeen adeegyo cusub oo ay soo kordhiyeen .

Masuuliyiinta shirkan jaraaid qabtay ayaa waxa ka mid ahaa Maareeyaha guud ee shirkada Somtel Cawil Saalax, Madaxa Iibka iyo Suugaynta ee Shirkada Somtel Cabdinaasir Saleebaan Cabdi, Madaxa Xisaabaadka ee shirkada Somtel  Faarax Maxamed Cilmi , Kuxigeenka Madaxa Iibka iyo suuqgeynta Axmed Nuuh Saciid iyo Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha Shirkadda SOMTEL Cabdinaasir Cawad Muuse.

Ugu horeyn waxa shirkaasi Jaraaid ka hadlay Madaxa Iibka iyo Suuqayna ee shirkada somtel Mr Cabdinaasir Saleebaan Cabdi waxaana uu sheegay in ujeeddada ay shirkan jaraa’id  shirkad ahaan u qabteen ay tahay sidii ay u soo bandhigi lahaayeen adeegyo cusub kuwaasi oo ay uga dan leeyihiin sidii ay bulshada u war-galin lahaayeen si ay u isticmaalaan adeegyada Shirkadda SOMTEL.

Waxa kale oo  shirkaasi jaraa’id ka hadlay Maareeyaha guud ee Shirkada  Somtel Mr SH. Cawil Saalax Cabdi  Oo Si Faahfaahsan uga waramay  adeegan cusub ee Danan (caller Ring Back Tone) ay soo bandhigeen ee Danan waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.

“Ka SOMTEL ahaan waxa aanu heegan u nahay hadh iyo habeenba in aanu soo gudbino waxyaabaha aanu u aragno in ay anfacayaan macaamiishayada kuwa aanu hadda la macaamilno iyo kuwa hada jidka ku soo jira intaba, anaga oo aad ugu rajo weyn macaamiishayada oo xawli ku socota in ay ka faa-idaysan doonaan adeegyadan oo runtii aanu u soo xulnay oo runtiina la jaan-qaadaya casriga.

Kolay hal-hays ayey Somtel u leedahay “Tignoolajigii u danbeeyiyo la talaabso SOMTEL” talaabadaas ayuubaan wadnaa waligayana insha-allah waxa aanu rajaynaynaa in aanu hore u qaadno.

Adeegan hadda aanu wadno oo la yidhaahdo DANAN waa adeeg muddo socday oo aanu ku wadnay tijaabo waa uu shaqaynayey laakiin inta badan waxa aanu isku daynaa in aanu dhinac kasta ka eegno, gorfayno si isagoo tifaftiran uu u gaadho macaamiisha.

Hadda ayaa uu soo gaadhay heerkaa anagoo kalsooni buuxda ku qabna in uu runtii noqon doono adeeg aan hore loo arag, barnaamijka runtii laba siyood ayaanu u eegnay isaga faa’idadiisa waa mid maadaama oo magacaa uu xambaarsan yahay, Magacaasi waa Danan , Danan waxa aanu runtii soo xiganay waa codadka xoolaheena markaa waayo cid kastaaba waxa ay leedahay dhaqan waana ay tahay in ay ku faanto, anagoo taa tixgalinayna una danaynayna faca danbe maxaa aanu ku soo kordhin karnaa dhanliyarada, maxaa aynu odhan karnaa waa wax lagu faanno, Danan waxa weeye Codka Fardaha .

Farasku Marka uu ciyayo waa uu dananaa, neef kastaana Ci-gaara ayaa uu leeyahay markaa DANAN waxa aanu u dooranay in uu noqdo codka waa cod macaan oo aan turxaan lahayn oo sahlaya in uu qofka dhagihiisa u raaxeeyo, isaga ayaa u sii farcama laba nooc mid waxa la yidhaa Madiix waa cod isna ay xooluhu leeyihiin, waxa ku sii xiga Subcis waxaana aanu runtii u dooranay waxyaabaha la subciyo sida nashiidooyinka suugaanka soomalida oo runtii lagu celceliyo waa subcis eraygaasi, markaa waxa aynu leenahay luqad qaniya anagoo taa ka faaidaysanayna waxa aanu ku dabaqnay oo aanu ku soo aroorinay macnaha runtii ah qofku maxaa uu ka faaidayaa danan runtii waa cod laga faaidayo waa uu dhagaysan karaa qofku isaga oo u madax bannaan inta uu doono.

Danan waxa aan rajaynayaa ayaamaha dhow ee soo socda Insha-allah in uu ku faafo inta ay Somtel ka hawl-gasho, barnaamijkan in badan ayaa laga soo fikiray adduunyadu waa ay is badelaysaa saddexdii biloodba mar ayuu hadda tignoolajigu uu is bedelayaa taas ayaa aanu inta badan anagu ka duulnaa anagoo markaasi macaamiishayada u soo xulna inta ka mac tignoolajiyadaasi is badelaysa.”

Mr Cawil Saalax  Maareeyaha Shirkada Somtel waxa uu amaan balaadhan u soo jeediyey dhamaanba Shaqaalaha ka hawl-gala shirkada Somtel dedaalka ay markasta muujiyaan iyo macaamiisha shirka Somtel oo uu ku tilmaamay kuwo markasta xidhiidh dhow la leh shirkada Somtel . dhanka Maareeyuhu isaga oo Hadalkiisa sii wata waxa uu Bulshadda ay macaamilka leeyihiin ugu bushaareeyay adeeg magaciisa layidhaah HAGE (Directory Book) adeegan oo runtii noqonaya mid ay macaamiishu si fiican ugu faa’idaysan doonaan meel ay joogaanba isagoo u sahlaya in uu u fududeeyo ama jiheeyo meesha ay u baahanyihiin sida Hospitals-ka, Meheradaha, shirkaddaha, xarumaha Polis-ka MCH, Hotel-dda iyo dhamaan suuqa qeybihiisa kala duwan. Barnaamijkan oo ku shaqeenaya hard iyo soft-ba Waxa kale oo shirkaasi Jaraaid ka hadlay  Faarax Maxamed Cilmi oo ah Madax Xisaabaadka ee shirkada somtel waxaana uu tilmaamay kuna sifeeyey shirkada SOMTEL mid looga bartay in ay bulshada u soo bandhigto adeegyo casriya isagoo adeega DANAN ku tilmaamay mid laga soo shaqeeyey in muddo ah. Mr. Faarax oo gabagabadii u mahad caliyay dhamaan Macaamiisha shirkadda SOMTEL Meel ay joogaanba.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net