Shirkadda SomCable oo awoodda Adeeggeeda Internetka ku soo bandhigtay Carwada Shirweynaha Technology-ga Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta adeegga Internet-ka Casriga ah ee Viber Optic-ga ee Somcable, ayaa awoodda iyo tayada adeegyada ay Bulshada u qabato ku soo bandhigtay Carwada Shirweynaha Tignoolajiyadda Somaliland oo Maanta ka furay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Maxamed Foosi Maxamed oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadda adeegga Internetka ee SO! oo ah farac ka tirsan Somcable, ayaa Warbaahinta la hadlay, waxaanu faahfaahin ka bixiyey adeegyada ay bixiso Shirkaddu iyo heerka awooddeeda Internet-ka oo uu tilmaamay inay qiimo dhimis heer-sare ah u sameeyeen Macaamiisha muddada labada cisho ah oo ay carwadu socoto, taas oo la filayo in maalinta Berri ah la soo af-mareeri doono.

Haddaba, Muuqaalkan Hoose kaga bogo warka shirkadda Somcable.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net