Shirkadda SOM EVENTS oo shahaado-sharaf ku muteysatay Kaalintii ay ka Qaadatay Shirweynihii SONYO

Hargeysa (SLpost) – Shirkadda  Nashqadaynta xafladaha, shahaadooyinka iwm ee SOM EVENTS ayaa shahaado sharaf ku mutaystay qayb libaax leh oo ay ka qaateen shirweynihii SONYO ee ku soo gebageboobay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

SOM EVENTS SHAHAADOGuddoomiyaha xilka wareejinaya ee daladda SONYO Axmed Cali Wacays ayaa dhammaadkii xafladdaasi waxa uu shahaado-sharaf ku guddoonsiiyey kooxihii iyo ganacsatadii sida weyn uga qayb qaatay hirgelinta shirweynahooda, waxaanu sheegay in shirkadda SOM EVENTS ay ka mid ahayd shirkadihii qaybta libaaxa leh ka nashqadaynta iyo casriyeynta shirweynahan.

Shirkadda SOM EVENTS ayaa badi si weyn uga dhex muuqata xafladaha qaran ee dalka lagu qabto, iyada oo shir weynihii SONYO ay shirkaddu samaysay shahaadooyin casri ah oo ay ka mid ahaayeen shahaadooyinkii la guddoonsiiyey Madaxweynaha.

SOMALILANDPOST.NET