Shirkadda SAHAL TECH oo Heerka Awooddeeda Wax-qabad Ku Muujisay Carwada Shirweynaha Technology-ga Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Sahal Tech oo ka mid ah shirkadaha bixiya adeegyada Samaynta Sofware-rada iyo ICT-ga ee magaalada Hargeysa, ayaa wacdaro ka muujisay Carwada shirweynaha Isgaadhsiinta Somaliland oo Maanta laga Furay Hotel Maansoor, waxaanay shirkaddu halkaas ku soo bandhigtay Adeegyada ay Bulshada u qabato.

Shirweynaha ICT Somaliland oo ay ka qayb-galeen shirkadaha Isgaadhsiinta iyo kuwa Bixiya Adeegyada Farsamada Casriga ah ee Technology-ga, waxa furay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, waxaanu soconayaa mid laba maalmood ah, iyadoo shirkadaha ka qayb-galay halkaas ku soo bandhigeen adeegyadooda.

Guddoomiyaha Shirkadda Sahal Tech, Cabdirashiid Maxamed Ismaaciil ayaa saxaafadda kula hadlay madasha Carwada oo ay ku soo bandhigeen adeegyo kala duwan oo shirkaddoodu qabato, tirada mashaariic kala duwan oo ay u qabteen macaamiishooda oo isugu jirta hay’adaha Dowladda, kuwa Maxalliga ah iyo kuwa Caalamiga ah iyo sidoo kale shirkadaha Ganacsiga.

Guddoomiye Cabdirashiid waxa uu sheegay in shirkaddoodu tahay ta ugu ballaadhan ee samaysay Barnaamijyada (Software-rada) ee dalka ka jirta isla markaana ay tahay shirkadda hirgelisay Nidaamka Diiwaangelinta Kaadhka Muwaadiniinta Somaliland.

“Qof kasta oo Kaadhka muwaadinka qaatay wuu garanayaa, Nidaamka (System-ka) waxa samayeeyey Sahal Tech, waana system aad casri u ah oo noociisa oo kale aan lagu samaynin waddamada Afrika. Laakiin waxaanu nasiib u helnay inaanu samayno.”

“Waxa kale oo aanu samaynay system-yo badan oo ay dowladdu ku shaqayso. Waxa ka mid ah System-ka Cashuurta lagu keydiyo ee Cashuuraha Berrigu isticmaalaan. Waxa kale oo ka mid ah System-ka ay ku shaqeeyaan Kastamada Somaliland,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha shirkadda Sahal Tech.

Eng Cabdirashiid waxa uu sheegay inay shirkaddoodu adeegyo kala duwan u qabatay hay’adaha dowladda, qaarna kalena hadda gacanta ugu hayso shirkado caalami ah oo ka hawl-gala dalalka dibadda, kuwaas oo ay kaga guulaysteen shirkado kale, waxaanu ku dooday in fursaddaasi ku timi khibraddooda iyo hufnaanta wax-qabadkooda lagu qancay.

“Waxa kale oo barnaamijyo u samaynayo shirkado caalami ah oo ay ka mid tahay shirkadda DP World oo aanu immika u wadno system ay kaga shaqeeyaan Shan waddan oo Afrika iyo Eeshiya ah. Runtii, taasi waxay ku tusaysaa heerka ay gaadhsiisan tahay khibraddayada iyo inaanu cid walba oo adduunka ah kula tartami karno inta aanu isku shaqada nahay oo waliba kaga guulaysanno, waayo wax fudud maaha in Wax-qabadkaaga la qaato oo lagaga shaqeeyo Shan waddan oo aad inooga horumarsan,” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha shirkadda Sahal Tech oo ka mid ah shirkadaha ugu facaweyn xagga farsamada Tiknoolajiyadda ee ka jira Somaliland.

Muuqaalkan Hoose kaga Bogo Warbixin koobsatay wax-qabadyada shirkadda iyo adeegyo dalka ku cusub oo ay soo kordhisay

https://www.youtube.com/watch?v=8b_tpnWTM24

 

Somalilandpost.net
Contact@somalilandpost.net