Shirkadda Pontus Marine ee Maal-gashiga Kalluumaysiga oo Munaasibad laysku arkay ku Daahfurtay Xafiiskeeda Hargeysa + SAWIRRO

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Pontus Marine oo dalka ka hirgelinaysa Mashruuc ay ku maal-galinayso wax soo saarka kalluumaysiga dalka, ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furatay Xafiiskeedii saddexaad ee ay dalka ka furato, ka dib markii ay todobaadkii hore xafiisyo ka hirgelisay magaalooyinka Burco iyo Berbera.

Munaasibad lagu daahfuray xafiiska shirkadda ee Hargeysa oo ku qabsoontay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo xildhibaanno ka tirsan golahaas, raxan Wasiirro ah, masuuliyiinta shirkaddaas iyo marti-sharaf kale, waxana munaasibaddaas daah furayey muwaadiniinta iyagu doonayay in ay saami ku yeeshaan si ay wax-soo-saarkeeda uga qayb-qaataan, in kasta oo aanay shirkaddu dalka ka bilaabin hawlaha ay maal-gelinayso.

Gudoomiyaha shirkadda Garyaqaan Maxamed Yuusuf Cali oo ugu horreyn munaasibadda ka hadlay, ayaa faah faahin iyo sharaxaad mug leh ka iftiimiyey shirkaddan ka shaqayn doonta dhinaca kalluumaysiga oo noqonaysa shirkaddii ugu horaysay ee nooceeda ah ee dalka laga hiirgaliyo,waxaanu sheegay inay mudan tahay in laga faa’idaysto kheyraadka ku duugan badda si loo kobciyo dhaqaalaha dalka.

Dhinaca kale, maareeyaha shirkaddan Pontus Marine  Axmed Abokor ayaa isaguna sharaxaad dheer ka bixiyey sida ay u shaqayn doono shirkaddu isaga oo sheegay in ay tahay maalgashi ballaadhan oo ay dalka ku sameeyeen oo ay shaqooyin ka heli doonaan boqolaal qof oo reer Somaliland ah.

Sida oo kale waxa goobtaasi ka hadlay masuuliyiin aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka warfaafinta,Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda, Gudoomiyaha Golaha Guurtida iyo masuuliyiin kale.

SOMALILANDPOST.NET