Shirkadda Nashqadaha ee SOMSITE oo Qiime-dhimis ballaadhan ku soo bandhigtay Carwada Ganacsiga Somaliland

Hargeysa, (SLpost) – Shirkadda Nashqadaynta iyo samaynta Website-yada ee SOMSITE oo ka mid ah shirkadaha ka qaybgalaya carwada 2aad ee ganacsiga Somaliland ee ka socota Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa halkaasi ku soo bandhigay adeegyo muhiim ah oo dadweynaha loogu talogalay.
SOMSITE Designs oo carwada kaga qaybgalaya adeegyada nashqadaynta ee kala duwan, samaynta Website-yada iyo adeegyo kale oo la xidhiidha Tiknoolojiga casriga ah ayaa muddada carwadu socoto fidisay qiimo-dhimis ballaadhan.

Md. Aadan Xirsi Yaasiin oo ka mid ah maamulka shirkaddaas ayaa ka hadlay adeegyada ay SOMSITE kaga qaybgashay carwadan, isaga oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ay kaga duwan yihiin shirkadaha kale ee ay isku shaqada qabtaan.

“Shirkadda SOMSITE waa Shirkadda ugu ballaadhan Somaliland ee samaynta xagga Website-yada Professional ka ah.” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay, “Annaga oo ka qaybqaadanayna horumarka bulshada Somaliland ayaannu ku soo bandhignay carwada 2aad  ee Somaliland Business Fair adeegyadii u dambeeyey ee dhinaca samaynta iyo waliba qurxinta ama nashqadaynta website-yada casriga ah.”
Aadan Yaasiin waxa uu sidoo kale xusay in shirkadda SOMSITE nashqadayso calaamadaha/astaamaha (Logo) shirkadaha iyo hayadaha kala duwan iyo weliba majalladaha midabaysan ee bilicdoodu indhaha soo jiidato. “Waxaannu sidoo kale soo bandhignay design-nadii u dambeeyay ee Magazine-nada; siiba, WEEDHSAN Magazine oo ah Majalladda billaha ah ee ugu horreysa Somaliland.” ayuu yidhi Aadan.
Aadan Xirsi Yaasiin waxa uu xusay inay qiimedhimis ballaadhan u fidiyeen macaammiishooda muddada ay carwadani socoto, waxaanu yidhi: “SOMSITE munaasibadda carwada awgeed waxay kuu samysay qiimo dhimis dhan 50% oo aad ku heli karto website qurux badan $350 laba usbuuc gudahood. SOMSITE waxy la socodsiinaysaaa macaameeshiida in qiima dhimistu ku eegtahay maalmaha ay carwadu socoto.”
Shirkadda SOMSITE oo ay koox dhalinyaro ahi aasaastay 2007-dii ayaa ka mid ah shirkadaha ugu horreeya ee ka shaqeeya adeegyada Tiknoolojiyadda Somaliland, iyada oo ay muddooyinkii ugu dambeeyayna fulisay qandaraasyo Website-yo loogu samaynayo qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn ee ganacsiga dalka, warbaahinta, hay’adaha dawliga, kuwa maxalliga ah iyo kuwa kale ee caalamiga ah intaba.
http://www.SOMSITE.com/