Shirkadda MSG oo Tartan u Qabatay 100-kun oo Macaamiisheeda ah iyo Abaal-marinno lagu Guulaystay

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiin dawladda ka tirsan iyo marti sharaf kale oo shacab ah ayaa ka qaybgalay munaasibad shirkadda MSG ay abaal-marino ku guddoonsiisay dad kamida macaamiisheeda, kuwaasoo ku guulaystay bakhtiyaa nasiib ay qabatay.

Tartanka oo shirkaddu u qabatay Macaamiisheeda, ayaa waxa ka qayb-galay tiro ku dhow 100-kun oo Qof, waxaana abaal-marinno kala duwan ku guulaystay oo nasiibku soo saaray ilaa 200 qof oo macaamiisha shirkadda ah, Sida uu sheegay maamulaha shirkadda MSG, qaybteeda Hargeysa, Maxamed Siciid Saleebaan.

Munaasibada ayaa ka qabsoontay magaalada Hargeysa, waxaana xafladaasi abaal-marin lagu gudoonsiiyey tobanaan kamida macaamiisheeda, iyadoo maamulka Shirkadduna uu balan qaaday in ay sii wadi doonaan tartankan.

Maamulaha Shirkadda MSG Maxamed Siciid Saleebaan oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay in ay uga gol leeyihiin arrintan in ay macaamiisha wax ku celiyaan.

Sarkaal ka socday Wasaaradda Ganacsi oo xaflada ka hadlay ayaa dhankiisa tilmaamay in MSG ay muujisay wadaniyad iyo lexe-jeclo ay ka qabto Bulshaddeeda, ganacsiguna loo baahan yahay in uu noqdo mid dadweynaha wax ku celiya.

Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada iyo xubno ku hadlayey afka marti-sharafta ayaa iyaguna amaan u jeediyey shirkaddan.

Xafladan ayaa gabagabadii waxa abaal-marino iyo bilad-sharafeedyo lagu guddoonsiiyey macaamiisha ku guulaystay tartanka iyo qaar kamida shaqaalaha Shirkadda oo shaqo wanaag mutaystay.

FAAHFAAHINTA WARKAN OO QAABKA AY U DHACDAY MUNAASIBADDU, KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE