Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL oo Laascaanood ku Daah-furtay Adeegga Casriga ah ee 3G

Laascaanood, 24 March, 2012 (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL ayaa adeegga casriga ah ee 3G ee maqalka iyo muuqaalka ah ku daah-furtay magaalada Laascanaood ee xarunta gobolka Sool.

Xafladda lagu daah-furay adeeggan cusub ee 3G, oo lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood, ayey ka qaybgaleen Mas’uuliyiin ka socota Shirkadda Somtel, Madaxda gobolka Sool, Wax-garad, Culuma-awdiin, Ururrada Bulshada, Saxaafadda iyo Dadweyne aad u tira badan.

Maamulaha Shirkadda Somtel ee magaalada Laascaanood FaaraxCali Maxamed oo faah-faahin dheerada ka bixiyey adeegyada ay bixiso Shirkada Isgaadhsiinta ee Somtel, ayaa sheegay in ay Shirkaddu wax ka qaban doonto baahiyaha gobolka Sool.

Madaxa xidhiidhka gobollada Aadan Cabdillaahi Cabdalle oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa ka warramay horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay Shirkadda Somtel, waxaanu xusay in ay Shirkaddu wax qabad muuqda ka geysato gobollada dalka, isla mar ahaantaana sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ballaadhiyaan Shirkadda Somtel.

Madaxa xidhiidhka dadweynaha Cabdinaasir oo isagu xafladdaa daah-furka adeegga 3G hadallo kooban kasoo jeediyey, ayaa sheegay in Shirkadda Somtel ay tahay mid qiima jaban iyo adeegyo tayo leh lagu yaqaan, mar walbana ay diyaar u tahay kor u qaadista iyo tayeynta adeegyada looga bartay.

Waxaa sidoo kale xafladaasi ka hadashay Samsam Maxamed oo ku hadlaysay afka ururrada bulshada, iyadoo u mahad-celisay maamulka Shirkadda Somtel kuna dar-daartay in haweenka laga qaybgaliyo shaqaalaha ka hawl-gala Shirkadda.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Cabdiqani Cali Dhuux oo ah maamulaha Dugsiga Iqra kuna amaanay shirkada somtel doorka muhiim kaa ee ay ka qaadatay adeegyada bulshada, isagoona kula dar daarmay dhalinyaradii kasoo qayb gashay xafladaasi in ay si khaldan u isticmaalin adeega 3G.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada nugaal Cabdinaasir Maxamed Barre (Abu shaybe) oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa maamulka shirkada somtel ka cod saday in jaamacada nugaal ay keenaan adeega 3G oo dhamays tiran si ay ugu fududaato macalimiinta shaqadu.

Dhanka wax-garadka oo isna u hadlay oday Cabdilaahi Xasan yare (ileeye) oo ka hadlay xaflada daah furka adeega 3G ayaa kula dar daar may maamulka shirkada somtel in ay wax weyn ka qabtaan baahiyada kala duwan ee ka jira gobolka.

Xafladdani ayaa waxaa soo gaba-gabeeyey Maayerka magaalada Laas-caanood Kayse Maxamuud X. Xuseen oo ka warramay xaaladda deegaanka, isagoo ku aammanay Shirkadda Somtel muddada yar ee ay jirtay iyo waxqabadkeeda. waxaanu sheegay in looga baahan yahay in ay dedaalkeeda sii waddo si loo gaadho guulaha ay Somtel higsanayso.

Halkan ka DAAWO Warka Daahfurka Adeegga SOMTEL 3G ee Laascaanood

>

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net