Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM oo maanta soo bandhigtay Qiimo-dhimis ay ku samaysay Adeegyadeeda Qaarkeed

Haregeysa, 31 March, 2012 (SLpost)- Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ayaa shaacisay Qiimo-dhimis ay ku samaysay adeegyada kala duwan ee ay shirkadu u qabato macaamiisha.

Masuuliyiinta Shirkadda oo manta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Dhexe ee Shirkadda, waxa ay macaamiishooda ugu bushaareeyeen Qiimo dhimis ay ku sameeyeen adeegga Wakhtiga ku-hadalka telefoonada ee Debedda iyo Gudaha.

Madaxda Horumarinta Shirkadda Telesom, Cabdisalaam Ismaaciil Nuur oo faahfaahin ka bixiyey adeegyada ay qiimo-dhimista ugu sameeyeen macaamiisha ayaa sheegay inay qiimo-dhimis ku sameeyeen wicitaanka dalal badan oo adduunka ku yaala kuwaas oo macmiilku $1 ku hadli karo 15 daqiiqo, taas oo sida uu sheegay noqonaysa qiimo-dhimis dhan 300%.

Dalalkaas waxa ka mid ah UK, Canada, Malaysia, Chia, France, Holland, Italia, Switzerland, South Afrika, Thailand iyo US oo ah qiimo-dhimista telefoonnada Land Line-ka halka qiimo-dhimis taas hore la mid ah oo telefoonada Gacantuna ku jiraan ay ka sameeyeen kuwaas oo ay ka mid yihiin dalalka Canada, US, Thailand iyo UK.

Masuulkani waxa kale oo uu sheegay inay qiimo-dhis ku-hadalka telefoonnada gacanta ee Dalka gudihiisa wakhtiga habeenkii laga bilaabo 10:00 habeenimo ilaa 6:00 subaxnimo, iyada oo $1 lagu hadli karo 200 daqiiqo. Sidoo kale, waxa uu masuulkani sheegay in dalka ay Jaarka Nahay ee Soomaaliya $1 lagu hadli karo 200 daqiiqo Maalin iyo Habeenba.

War-murtiyeedka uu Masuulkani ka akhriyey Shirka Jaraa’id oo dhammeystiran ayaa u dhignaa sidan:

 “Shirkadda Telesom waxay ku caanbaxday “hal-abuurnimo” iyo in ay ku horrayso wakhti kastaba sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri ah, oo kabaya horumarka noloshooda. Telesom waa shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga caanka ah ee ZAAD, oo macaamiishayada u suurtogeliyay in ay macaamalaadka lacageed ku isticmaalaan moobilkooda. Waxa kale oo ay shirkadda Telesom ku suntan tahay in ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga Moobilka, Internetka, 3G-ga, GPRS-ka, Adeegga ILA-MAQAL (Codka soo dhicista mobile-ka) Adeegyada AQOON-MAAL oo ka kooban warar (news), qaamuus isugu turjumaya Somali/English, Wikipedia, iyo macluumaad badan oo faa’iido u leh bulshadda.

Intaa ka dib, waxa maanta farxad weyn noo ah in aanu ku dhawaaqno QIIMO-DHIMIS BALLAADHAN oo aanu ku samaynay adeegyada Telesom, gaar ahaan adeegga Prepaid-ka ee Mobile-ka, kadib markii aanu daraasanay duruufaha dhaqaale ee dalka ka taagan iyo daryeelida macaamiishayada qaaliga ah.

Qiimo-dhimista aanu samaynay waxa ay ka kooban tahay sadex qaybood oo kala ah Gudaha, Dibada iyo National-ka:

1. Waxa aanu hoos u dhignay qiimaha lagula hadlo layn-ka wadamadda dibadda (International), gaar ahaan wadamada hoos ku qoran oo aanu $1 ka dhignay 15-kii daqiiqo, halkii uu ka ahaan jiray 3.3 daqiiqo. Taas oo u dhiganta in aanu jabinay 350% (sadex jeer iyo badh ) kana dhigaysa Telesom Shirkadda Geeska Africa ugu jaban qiimaha lagula hadlo dibadda.

UK, Canada, Malaysia, China, USA, Sweden, Denmark, Holland, Norway, Belgium, France, Germany, Thailand, Turkey, Russia, New Zealand, Italy, Switzerland, Australia, India, South Africa, Ireland.

2. Sidoo kale waxa aanu qiimaha lagula hadlo $1 Mobile-ka iyo layn-ka wadamadan hoose ka dhignay 15 daqiiqo:

Canada, Malaysia, China, USA, Thailand

3. Qiimaha lagula hadlo $1 Mobile-ka wadamadan hoose waxaanu ka dhignay 5 daqiiqo:

UK, Sweden, Turkey, Russia.

4. Dhinaca wadama jaarka aynu nahay gaar ahaan Soomaliya iyo Puntland, 100% ayaanu hoos u dhignay qiimaha lagula hadlo $1 waxa aanu ka dhignay 20 daqiiqo.

DALKA GUDIHIISA:

Dalka Gudihiisa waxa aanu maanta laga bilaabo $1 ka dhignay 200 daqiiqo, laga bilaabo saacadaha 10-ka fiidnimo ilaa 6-da arroornimo. Arrintaasi waxa ay fursad gaar ah u noqonaysaa bahda warbaahinta, Dhallinyaradda iy guud ahaan bulshaddaba.”

 SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net