Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM oo Daahfurtay Adeegga Internetka Casriga ah ee 4G++

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa maanta cawro socon doonto muddo saddex maalmood ku daah-furtay adeegga 4G++ iyo adeegyo kale oo casri ah. Carwadda oo uu xadhiga ka jaray madaxweynaha Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici.

h6Carwadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiiinta Md Maxamuud ShAbdillahi , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosta iyo Isgaadhsiint, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Dr. Adna Aadan,Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Somaliland, masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, madax-dhaqameedyo, bulshadda qaybahadeeda kala duwan oo iskugu jiray rag iyo dumar, maamulka iyo hawlwadeenadda shirkaddaha Telesom Group ee Telesom, Daarasalaam Bank iyo SOMGAS kuwaasi oo ku soo bandhigay adeegyaddii ugu dambeeyey ee shirkaddahni bulshadda u soo kordhiyeen muddooyinkii u dambeeyey.

Waxana war-saxaafadeed uu kusaxexan yahay Mas’uulka Shirkaddan u qaabbilsan Public Engagement and CSR Director kuna saabsan daahfurka carwada adeegyada Casriga ee shirkadda TELESOM islamarkaasna nuqul kamid ahi soo gaadhey Shebekeddan Oodweynenews u dhigan yahay sidan:-

WAR-SAXAAFADEED

Shirkadda Telesom waxay ku caanbaxday “hal-abuurnimo Tiknoolajiyadeed” iyo in ay ku horrayso wakhti kastaba sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri ah oo la jaanqaadaya isbedelka degdega ah ee Tiknoolajiyadda dunida sidoo kalena  kaabaya horumarka noloshooda. Telesom waa shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga Mobile-ka ee loo yaqaan GSM, INTERNER-ka Iyo adeega caanka ah ee ZAAD, oo macaamiisha iyo guud ahaan bulshada u suurtogeliyay in ay mucaamalaadka lacageed ku isticmaalaan moobilkooda. Waxa kale oo ay shirkadda Telesom ku suntan tahay in ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga Mobile-ka, 3G-ga, GPRS-ka, ILA-MAQAL, DHAMBAAL iyo Adeegyada AQOONMAAL oo  aad ka heshaan warar iyo macluumaad badan oo faa’iido u leh bulshadda.

Haddaba, kulankeenan maanta waxa aanu ku soo bandhigaynaa adeegyo dhawr ah oo ay ka mid yihiin:

4G++: Adeegga 4G++ waa nooca cusub ee adeegga 4G, waxanu leeyahay xawaare aad u sareeya iyo xajmi badan oo Internet ah. Adeegga 4G++ waxaa lagu isticmaali karaa mobayladda Smartphones-ka oo aad u isticmaalayso ku hadalka, Internetka iyo wifi ahaan labadaba adiga oo Kaga maarmi Kara Mifi aad is daba sido maadaama uu Mobileku kuu qabanayo dhamaan wixii aad uga baahnayn inaad qaadatayo Mifi ,” KAGA MAARAN MOBILE-KAAGA MIFI” sidoo kale waxaad ku isticmaali kartaa tablets, iyo qalabka Mifi ee xambaara Internet-ka gacanta lagu qaato. Waxyaabaha u gaarka ah 4G++-ka Telesom waxa ka mid ah in macmiilku lacagta uu ku isticmaalayo kaga shuban karo ZAAD-kiisa. Adeeggan halku-dhegga shirkaddu qaadatay waa “Sirtu waa Tiknoolajiyadda”.

Adeeggan 4G++ waxaad kaga maarmi kartaa inaad isdaba waddo Mifi-ga xambaara internet, waxaanad heli doontaa internet jaban oo xawaarihiisu sareeyo. Shirkaddu waxay kuu diyaarisay qiime aad u jaban oo aad kuheli doonto  adeega Internet-ka Mobile-ka

Anti-Mobile theft System: Shirkaddi markii ay aragtay in ay badatay  Tuugadda mobayladda smarptphone-ka, haddaba si ay shirkaddu uga caawiso bulshadeeda mobayladda qaaliga ah ee ka kulamaya waxay soo saartay barnaamij cusub oo ka hortaga xadida mobayladda. Adeegani wuxuu macmiilka uu ka lumo u sahlayaa in si fudud loogu soo heli doono mobaylkiisa. Si haddaba aad adeegan u isticmaasho waxaad garaacdaa *400# ka dibna ka dooro Antitheft service, ka dibna raac talaabooyinka kuu soo bixi doono.

Ila-Soco: Waa adeeg casri ah oo macaamiisha, sida hay’addaha, ganacsatada, shirkadaha iyo guud ahaan gaadiidleyda ka caawinaya in ay la socdaan hadba xaaladda iyo goobta uu ku sugan yahay gaadiidkoogu, iyaga oo xafiisyadood iyo goobahooda shaqo fadhiya.

Cloud Services: Waa adeeg adduunka ku cusub, kaas oo loogu talo-galay in macaamiishu ku kaydsadaan xogtooda, iyaga oo ka maarmaya qalab, koronto ay hanti iyo aduun badan kaga bixi lahaa. Telesom waxa ay diyaar kula tahay in ay xogtaada kuu kaydiso, sida ay hantida ZAAD-ka ku jirta kuugu kaydisay oo aad goor walba iyo goob walba ka heli karto. Shaqooyinka cloud services-ka ee hadda diyaarka ah waxa ka mid ah: Storage, web-hosting, server hosting, Buck-up iyo application development. Adeegyada cloud services waxa ay si gaar ah u caawinayaan hay’addaha warbaahinta, jaamacadaha, ganacsatada iyo hay’adaha kale ee dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba.

Darasalam Bank: Waxaa uu soo bandhigaysay adeegyo casriya oo uu ugu horeeyo koombuyuutar loogu talo galay Ardayda Jaamacadaha iyo dhalinyaradda jecel Waxbarashada iyada oo la raacin doono Mifi bilaash ah oo u fududaynaya in ay helaan Internet xawaale sare leh.

 

Somgas: Shirkadda Somgas ayaa iyaguna ku soo bandhigtay carwaddan Adeegyaddii ay bixin jirtay oo ay qiime dhimis balaadhan ku sameeysay.

 

Horumarka Tiknoolajiyadeed ee Telesom

 

Shirkadda Telesom waxay maalinwalba samaynaysaa horumar la taaban karo, oo saamayn togan ku leh bulshada Somaliland dhexdeeda. Waxay keentay  adeeggii ugu horreeyay ee moobilka gacanta lagu qaato, ee loo yaqaan GSM (2G) dhowr sannadood kadib, sannadkii 2006 shirkaddu adeeggaasi waxay ku ladhay adeegga GPRS-ka’ ama (2.5G)  oo macaamiisha u suurtogeliyay in ay internetka ku isticmaalaan moobiladooda. Sanadkii 2009 waxay soo kirdhisay adeega loo yaqaan 2.75 G ama EDGE sidoo kale, sannadkii 2011 waxa ay Telesom ku guuleysatay in ay noqoto shirkaddii ugu horreysay ee teknoolajiyadda 3G u keenta Macaamiisheeda, sannadkan 2016 shirkadda Telesom waxa ay macaamiisheeda u suurtogelisay adeegga 4G++ oo ah nooca aynu maanta martida u nahay. Macmiilka Telesom wuxu 3G Simcard ku isticmaali karaa moobilkiisa (haddii uu yahay nooca 4G), laptopkiisa iyo qalabka gacanta ee Mifi-ga.

Haddaba, maxaa keenay in Telesom ay hirgeliso Adeegga 4G++? Koboca tiknoolajiyadda ee maalinba maalinta ka dambeysa dunida ka socda, wuxu keenayaa in lala jaanqaado si ay u dhabowdo  ballan-qaadyadii Macaamiisha aanu u sameynay in aanu keeno teknoolajiyadda ugu dambeysa, bulshadana wax badan ka beddeli kara noloshooda iyo horumarkooda.

Sidaas darteed, shirkadda Telesom waxay noqonaysaa shirkadihii ugu horeeyay ee si dhab ah Adeegga 4G++ uga hirgelisa mandaqada aynu ku noolnahay.

Faa’iidooyinka ay guud ahaan adeegyadani mujtamaca u keenayaan iyo isbeddelka ay ku sameynayaan lama soo koobi karo, waxa ka faa’iidaysan kara qofka shakhsiga ah, hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn, ganacsatada iyo guud ahaan mujtamaca – rag iyo haweenba.

Ugu dambeyn, waxaan macaamiisha iyo bulshadaba leenahay idinka ayaan idiin dhaafaynaa in aad si xoog leh uga faa’iidaysataan adeegyada 4G++, Ila-soco iyo Cloud Services, Telesom ku halleeya in ay idiin keento kolba teknoolajiyadda ugu dambeysa; annaga oo hadda qalabkayaga u diyaarinay in si fudud loogu guuri karo teknoolajiyadda 5G mustaqbalka dhow.”

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdiwahaab Maax

Public Engagement and CSR Director

h1 h2 h3 h4 h5  h7 h8 h9 h10 h11