Telesom oo daahfurtay adeeg cusub oo dhiiri gelinaya isticmaalka shillinka Somaliland, isla markaana caddaysay inay fulinayso Go’aamadii xukuumaddu kasoo saartay xakamaynta Qiima dhaca Lacagta Dalka

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa soo bandhigtay adeeg cusub oo ay soo kordhisay oo ah in shillinka Somaliland telefoonkaaga kaga shuban karto sidoo kalena aad ku shuban karto dhinaca Internetka.

Shirkan jaraa’id waxaa kasoo qayb galay Wasiirka isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda Dr. Abdiwali Sh. Abdilahi, Guddoomiyha Bangiga dhexe Maxamed Abdi Ibraahim Dhoobaale, agaasimaha bangiga dhexe Abdilahi Xasan Aadan, Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Abdikariim Maxamed Eid, Agaasimaha xidhiidhka guud iyo horumarinta bulshada Abdiwahab Maax, A/salan Ismaaciil Nuur oo ah Agaasimaha Waaxda Ganacsiga iyo maamulka sare ee shirkadda Telesom.

tel-6Abdiwahab Maax oo ah Agaasimaha xidhiidhka guud iyo horumarinta bulshada ayaa faahfaahin ka bixiyay wuxuuna yidhi “waxay adeegan shirkaddu ugu talo gashay in macaamiisha Telesom ay ka recharge garaysan karaan oo ay hadalka iyo internetka labadaba kaga shuban karaan mobile-kooda isagoo ah Zaad Shillin Somaliland halka uu markii hore dolla-kaliya ahaa. Waxaanu maanta daah furaynaa adeegaa Zaad Shillin Somaliland Recharge oo qof kasta oo macmiila oo mobile-kiisa shillinku ugu jiraa wuxuu awood u leeyahay inuu ku iibsado hadal ama internet midkuu u baahan yahay, sida uu Dollarkaba ugu shhubto. Dhinaca kale wuxuu sheegay in Telesom ay sideeda u fullin doonto qodobadii kaga soo hagaagay Go’aamadii Xukuumaddu kasoo saartay xakamaynta qiima dhaca shillinka Somaliland waqtigii loogu talo galay oo ku eg 13ka bisha 3aad. Sidoo kale wuxuu sheegay lacagta macmiilka ugu jirta Zaadkooda ee ka yar boqol dollar ($100) markuu doono ayuu kala bixi karaa laamaha shirkadda Telesom wax ka dhacaya oo si ka noqonaya maaha hadduu maqan yahay iyo hadduu joogaba lacagtiisii waxay ugu jirjtaa account-kiisa, halkiisaa ayay u taalaa wuu badalan karaa, wuu la bixi karaa, bangigiisuu dhigan karaa, wuu kala soo bixi karaa, sidoo kale sidii caadiga ahayd ayuu ugu shuban karaa Mobile-kiisa lacag kasta ”. Mudane Abdiwahab Maax isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa raaciyay “ Xawaaladii dibedda ee lacagta looga soo diri jiray macaamiishena danyarta ah ee loo soo diro lacag ka yar Boqol dollar ($100) sideedii bay ahaan doontaa kaliya qofka waxa iska badalaya, lacagtaa qof kale uma diri karo waxna kuma iibsan karo, laakiin wuxuu ku shuban karaa Bangigiisa ama wuxuu kala bixi karaa xafiiska ugu dhaw ee Telesom.”.

Waxa kale halkaa ka hadlay Abdisalan Ismaaciil Nuur oo ah Agaasimaha Waaxda Ganacsiga “Marka laga yimaado Adeegan cusub ee shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ee Telesom soo kordhisay, waxa kale oo aan dadweynaha ogaysiinayaa in laga bilaabo berritoole oo ay bishu tahay 05/03/2018 uu adeegan cusubi si rasmiya ugu shaqayn doono macaamiisha Shirkadda Telesom”.

tel-2Waxa kale oo goobtan ka hadlay Abdikariim Maxamed Eid oo ah Guddoomiyaha Shirkadda Telesom oo goobtan ka hadlay ayaa sheegay inay fuliyeen Go’aamadii Xukuumaddu soo saartay Shillinka Somaliland-na ay u soo saareen adeegani. Hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa “Saddexdii qodob ee Xukuumaddu soo saartay laba ka midii way fuleen ka saddexaad ee ah hakinta isticmaalka wixii boqol dollar ka yar ee wax ku iibsashada iyo isku dirku oo isna ku eeg 13-ka bisha inaanu isagana in sha ALLAH sidiisa u fulin doono”. Isagoo Guddoomiyaha shirkadda Telesom Abdikarim Maxamed Eid hadalkiisa sii waxa wuxu yidhi “waxaan jecelahay inaan halkan uga mahad celiyo macaamiisha shirkadda Telesom, kalsoonida iyo taageerada mar walba ay shirkadda la garab taagan yihiin, waxa kaloon ugu bushaaraynayaa sidii ay nooga barteen inaanu mar walba u keeni doono hal-abuuris cusub iyo adeeg hufan oo raali geliya kaas oo wax weyn ka tari doona dhaqdhaqaaqeena ganacsi iyo koboca ganacsi ee dalka”.

teGuddoomiyaha iyo Agaasimaha guud ee bangiga dhexe ee Somaliland ayaa labaduba ku amaaneen shirkadda Telesom sida ay u dhiiri gelinayso shillinka Somaliland iyo adeegani cusub ee Zaad shillin Somaliland ee shirkadda Telesom soo saartay.

Agaasime Abdilahi Xasan Aadan oo hadalka ku horreeyay ayaa yidhi “waxaanu aad ugu mahad naqaynaa Shirkadda Telesom sida ay af iyo qoraalba si buuxda u taageertay Go’aamadii Xukuumadda kasoo baxay”. Wuxuu Agaasimuhu sidoo kale Shirkadda Telesom ku amaanay inay ku guulaysatay kordhinta Xaddiga Shillinka Somaliland.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe Maxamed Abdi Ibraahim (Dhoobaale) ayaa isna sheegay

tel-3“waxaan aad usoo dhawaynayaa amar qaadashada shirkadda Telesom ee awaamiirtii ay soo saartay Dawladdu iyo  dhago nuglaanshaha ay sameeyeen iyo xilligii oo ay wali ku taagan yihiin”. Wuxu Guddoomiyuhu intaa ku daray “Adeegani waa horumar cusub oo bulshada usoo kordhay, in shillinka Somaliland berritoolaba lagu dhaqmayo. Waa arrin aad iyo aad u wanaagsan oo farxad leh waanan ku hambalyaynaynaa Shirkadda Teleosm. Waxa kale oo uu sheegay Guddoomiyhu “Ciddii meelahaa ka lahayd Telesom fulin maayaan iyagay u taalaa, waxaan Telesom ka rajaynayaa inay inta u dhimmanna fuliyaan dadkuna ku diirsadaan wixii beenaale ahina iska hadhaan”.

Ugu dambeyna waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr. Abdiwali Sh Abdilaahi oo ku amaanay shirkadda Telesom inay soo kordhiso adeegani iyo sidoo kale inay go’aamadii  kasoo baxay xukuumadda Somaliland ay fuliso. Wasiirka oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Anigoo ka mid ah guddida Madaxweynuhu u magacaabay in ay wax ka qabtaan hoos u dhaca qiimaha Shillinka iyo sicir bararka ka dhashay isla markaana ah Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolayijadda waxaan maanta aad iyo aad ugu faraxsanahay in shirkadda Telesom daahfurto inay fulliyeen marka koowaad go’aankii ahaa wixii ka yar boqol dollar ($100) loo badalo Shillin-ka Sonaliland. Kaas oo muddadii loogu talo galay ay ka hadhsan yihiin sagaal maalmood, iyadoo aan waqtigii gaadhin in shirkaddu ku dhawaaqday inay diyaar u tahay oo ay fullinayso oo aan aad iyo aad usoo dhawaynayno waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tihiin.”

Wasiirku isagoo hadalkii sii wata wuxuu intaa raaciyay “ dad badan waxay u fahmeen in la joojiyay lacagtii mobile-ka dhexmaraysay, lama joojin laakiin waxa loo badalay uun lacagta aynu leenahay ee Somaliland Shillin, shirkaddu waxay intaa ku dartay iyadoon laga codsan in lacagta ku shubashada oo ah lacagta lagu hadlayo iyadana ay shillin ka dhigeen markaa taana aad baad ugu mahadsan tihiin.

Shirkadda Telesom way kasoo baxday qaybteedii, waxaanan u sheegayaa bulshada ciddii ay ugu jirto dollar siddii hore loo sheegay lacagtaasi kama lumayso meel kalena ka mari mayso qofka waxay ugu jiraysaa Zaadkiisa ama account-kiisa, waxaana meesha ka baxday oo keliya inuu wax ku iibsado ama qof kale u diro. Waxaan hadalkaygan kusoo gabagabaynayaa Shirkadda Telesom waxay maanta fulisay ujeedadii ay ka lahayd dawladdu oo ahayd in lacagta telefoonada dhexmaraysaa ay noqoto lacag ku shaqaysa shillinka Somaliland ”