Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM oo Abaal-marinno guddoonsiisay Qaar ka mid ah Shaqaalaheeda

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhiinta casriga ah ee Telesom, ayaa abaal-marinno kala duwan guddoonsiisay Shaqaalaheeda ku  kala sugan gobollada ee sannadkii tagay sida hawl-karnimada ah u gutay waajibaadkiisa shaqo .

telesom_abaalmarin (3)Munaasibado kala duwan oo habeen hore ku qabsoomay dhammaan magaalo-madaxdayada Lixda gobo lee waaweyn ee Hargeysa, Burco, Berbera, Borama iyo Laascaanood, oo si toos ah loogu xidhiidhiyay layskana daawanayey Khadka Muuqaalka (Video Conference), ayaa abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiiyey shaqaalaha shirkadda ee sannadkii hore muujiyey hawl-karnimada shaqadooda.

telesom_abaalmarin (4)telesom_abaalmarin (5)Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo habeen hore ku qabsoontay hoteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, kuna suntanayd magaca Munaasibadda 10-aad ee Abaal-marinta Shaqaalaha Shirkada Telesom, waxa ka soo qayb-galay Shir-guddoonka iyo mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka, Golaha wasiirrada, aqoon-yahano, culumo-awdiin, salaadiin, masuuliyiinta sarsare ee shirkada Telesom, ganacsato, shaqaalaha shirkadda iyo marti sharaf kale oo badan.

telesom_abaalmarin (8)Munaasibaddan waxa ugu horreyn ka hadlay faahfaahinna ka bixiyey ujeeddada loo qaban-qaabiyey Madaxa Waax Maamulka Faarax Sugaal oo tilmaamay inay tahay munaasibad sannadle ah  oo lagu abaal-mariyo shaqaalaha shirkadda Telesom ee hawl-karnimada muujiya. Farax Sugaal waxa uu ka warbixiyey hannaanka shirkaddu u qaadato shaqaalaha cusub oo uu sheegay inaanu ku salaysnayn isla markaana laga mamnuucay shaqaaleysiintooda Xigtaysi ama qabyaalad, isaga oo soo qaaday in shaqaalaha shirkaddu ka kooban yihiin dhammaan qaybaha kala geddisan ee bulshada.  Masuulkan shirkadda ka tirsani waxa uu iftiimiyey hadafka shirkadda Telesom ee shaqaaleysiinta oo uu sheegay inay mudnaan gaar ah siin doonto dadka naafada ah.

telesom_abaalmarin (6)Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariin Maxamed Iid oo munaasibada ka hadlay, ayaa ugu horreyn mahadnaq ballaadhan u jeediyey marti-sharaftii kala duwanayd ee ka soo qayb galay xafladda Abaal-marinta shaqaalaha shirkada Telesom, isaga oo hambalyo gaar ah u diray shaqaale-weynaha shirkadda ee ku kala sugan dhamaan gobolada dalka. “Shaqaaluhu waa laf-dhabarta shirkadda, shaqaalaha ayaa ah kuwa faa’iidada usoo saara shirkada, shaqaalaha ayaa ah kuwa magaca iyo sharafta u soo hooyey shirkada,” ayuu yidhi Cabdikariim Maxamed oo ka hadlayey qiimaha shaqaalehedu ugu fadhiyaan shirkadda Telesom.

telesom_abaalmarin (7)

Gudoomiye Cabdikariim Maxamed waxa uu sheegay in hadafka shirkada Telesom yahay raalli-galinta macaamiisheeda oo sannadkasta ay u keento adeegyo cusub oo ujeedaadoodu tahay in la daboolo baahiyaha macaamiisha.

telesom_abaalmarin (1)Guddoomiye Cabdikariim Iid ayaa mar uu ka hadlayey heerka ay shirkadda Telesom ka gaadhay tiknoolajiyada casriga ah , waxaa uu xusay in Somaliland ay kaalinta 14-aad ka gashay Adduunka adeegsiga Mobile Banking (Lacagta lagu keysado telefonada gacanta).

Waxa xaflada Abaal-marinta ee shaqaalaha Telesom ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Wasiir Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi, Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif, Suldaan Ahmed Daahir, Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro), Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri, Ku-simaha Guddoomiyaha Dalladda Dhalinyarada SONYO, Marwo Faadumo Saciid iyo Cabdilaahi Baaruud oo ku hadlayey Afka Saamilayda Shirkadda. Waxaanay dhammaantood hambalyo, mahadnaq, amaan iyo  dhiiri-galin u jeediyeen Shirkadda Telesom iyo Shaqaalaheeda, iyaga oo shirkadda Telesom ku tilmaamay inay tahay shirkad hormuud u ah horumarka dalka, kaalinta mug lehna ay ka qaadato dhinacyada cashuur-bixinta, ka qayb-qaadasha adeegyada bulshada, soo kordhinta adeegyo macaamiisheeda wax-tar wayn u leh, shaqaalaysiinta bulshada iyo ka qayb qaadashada arrimaha horumarinta bulshada.

telesom_abaalmarinXafladdan Abaal-marinta shaqaalaha ee shirkadda Telesom, ayaa sidoo kale waxa Muuqaal toos ah oo laga hirgeliyey dhambaan xarumaha magaalo madaxyada gobollada uga qayb-qaadanayey masuuliyiinta Shirkadda iyo shakhsiyaadka magaca ku leh gobollada kala duwan.

telesom_abaalmarin (9)Xarunta Shirkadda Telesom ee magaalada Burco waxa khadka tooska ah ee (Video Conference) munaasibadda kula wadaagay Suldaan Cismaan Suldaan Cali iyo Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), kuwaas oo hambalyo, salaan iyo guubaanin u soo jeediyeen umadda reer Somaliland gaar ahaana shaqaalaha Shirkada Telesom. Waxaanay shirkada ku amaaneen dhiiri-galinta ay shaqaalaheeda u samayso sanadkasta.

telesom_abaalmarin (2)Ugu dambayntii waxaa abaal-marinno kala duwan la guddoonsiiyey shaqaalihii ugu wanaagsanaa qayb kasta oo ka mid ah Waaxaha kala duwan ee shirkadda ee dhammaan xarumaheeda gobolada dalka.

SOMALILANDPOST.NET