Shirkadda Isgaadhsiinta ah ee SOMTEL oo Ciidamada Booliska ku wareejiyey Numberka Xidhiidhka Deg-degga ah, Heshiisna la gashay GOOGLE

Hargeysa, 08 March, 2012 (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel, ayaa khamiistii ku  wareejisay Taliye ku-xiggeenka Ciidammada Booliska Somaliland lamabarka Taleefanka adeegga deg-degga ah ee lagala xidhiidhi karo xaruma Booliska.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska ahna ku-simaha Taliya Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), ayaa Taleefanka xaaladda deg-degga ah ee qofka marka ay xaalad khatar ahi soo waajahdo uu kula soo xidhiidhi karo xarumaha Ciidammada Booliska ka guddoomay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel.

Adeeggan ayaa ah mid  lagala soo hadli karro guud ahaanba Somaliland waxaana macmiilka shirkadda somtel uu a wood u siinayaa in uu soo garaaci karo isaga oo aan mobilekiisa wax lacagi ku jirin  dibna loogu celin karo lacag la’aan Mobile iyo Line mid kastaba. Waxa kale oo uu talefanekan saddex sagaalaad ama 999,  uu awood u leeyahay in ay hal mar soo wada gali karan ku dhawaad shan iyo toban lambar (15 call’s).

Waxa kale oo uu taleefankani   leeyahay in haddii  loo jawaabi waayo qofka soo garaaca uu u dhaafi karo farriin suurta-gelisa in hadhow dib loogu celin karo. Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda Somtel,

Naasir Cawad Muuse, oo xafladdaa wareejinta adeeggaas ka hadlay, ayaa ka warramay kaalinta ay shirkadda Somtel kaga jirto horumarka bulshada  iyo qiimaha adeeggani leeyahay, waxaana uu yidhi; “Somtel oo ka farcantay Shirkadaha Dahabshiil Group muddo laba sano ahna haatan shaqaynaysay waxa ay ku guulaysatay inay ka haqab-tirto  shacanka ama bulsho weynta  ku hadasha dhinaca isgaadhsiinta, khaasatan Somaliland. Haddii aan ku noqdo adeegyada ay ku guulaysatay iyadoo ilaalinaysa bilicda waxa ay ku guulaysatay in ay keento habka loo yaqaanno wirelesska. Maaanta adeegga 999 waxa uu ku shaqaynayaa xadhig la’aan waxa taasi noo suuro-galisay in aannu ka qayb-qaadanno dhinaca naga soo aaddan wax ka qabashada arrimaha bulshada waana aad ogtihiin waxaannu wax ka qabannaa dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada iyo Ciyaaraha.”

“Maantana  dhankii nabbad-galyada ayaa aanu  xidhiidh kala yeelanaynaa bilayska , marka aanu aragnay baahida loo qabo isgaadhsiinta marka aanu aragnay istaadarka caalamiga ah ee ka jira dawladaha horumaray   waxa aanu maanta idiin keenay adeegan ka kooban saddex sagaalaad ama Emegency Call, taliye waa aanu kaaga mahad-celinaynaa ogolaanshiyaha wanaagsan ee aad na siisay adiga iyo saraakiishaada kaleba idinkuna hawsha aad haysaa aad iyo aad ayaanu idiinka mahad-celinaynaa  haddii aan nabad-galyada laga wada shaqayna anaguna ma noqonayno shirkada ka shaqaysa dalka, waxa kale oo aan bulshada u sheegaynaa I adeegan saddex  sagaalaad ay lacag la,aan kula soo hadli karaan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda Isgaadhsiinta Somtel Naasir Cawad Muuse.

Faysal Ibraahin Yuusuf (Shine) oo ah madaxa warbaahinta ee shirkadda Somtel oo kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay in adeeggani uu noqon doono mid wax weyn ka tari doona dhinaca amniga, isagoo Shiine  tilmaamay in adeeggan ay ku soo kordhin doonaan adeegga GPRS oo qofka soo garaaca adeegga 999 lagu ogaan doono halka uu jooga ka dibna ay Ciidammadu ugu tagi doonaan goobtaas qalabku sheegayo, iyaga oo aan ka tilmaan-qaadan cid kale.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidammada Booliska Somaliland, ahna ku-simaha Taliyaha Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), ayaa halkaa ka hadlay, isla markaana waxa uu sheegay in Shirkadda Somtel ay tahay Shirkaddii ugu horraysay ee intii dalkani jiray Ciidammada ku taakulaysa  adeeg wax ka taraya hawlaha dhinaca amniga ee ay gacanta ku hayaan. “Waxa maanta aan halkan kagala wareegnay Shirkadda SOMTEl Lamber ay noogu deeqday oo ah kuwa hawlgalka deg-degga ah. Shirkaddaasi waa Shirkaddii koowaad ee illaa hadda intii dalka Somaliland jiray noo keenta lambarkan oo aynu aad ugu baahanayn.” Sidaa ayuu yidhi Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan-Fooxle.

Ku-xigeenka Taliyaha Booliska Somaliland, ahna ku-simaha Taliyaha Cabdiraxmaan Liibaan (Fooxle), oo hadalkiisa sii sawataa waxa uu yidhi; “Markaad eegto dhibaatooyinka adduunka ka jira waa xalkii koowaad ama waa waxa kaliya ee maanta ummaddeenna ay kula soo xidhiidhi karto ciidanka Booliska marka ay xaalado adag arkaan waana Shirkaddii koowaad  ee noo keenta aad ayaan ugu mahad-naqaynaa adeegyo badan ayaa ay dalka u qabataa waanannu ognahay, hantidii dalkeennuna waxa  maanta ay ku xidhan tahay Bangiyadooda  iyo waliba sida ay dalka wax u soo galinayaan aad iyo aad ayaannu idiinku mahad-naqaynaa sida wanaagsan ee aad noogu soo gurmateen  Lambarkaas oo aannu aad ugu baahnayn.”

“Dalalka darisyada dhibaato ayaa ka jirta sida Somalia markaa nimankii ayaa halkaa wada yaacaya markaa dadkeenu talafoon aya bilayska kula soo xidhiidhaan waa kii koowaad wanaageeda iyo abaalkeeda waa ay idiin hayaan ciidamada bilaysku waana aanu idin la shaqaynayna.” ayuu hadalkiisa raaciye Taliye ku-xigeenka Boolisku.

Geesta kale, Maareeyaha Shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel Cawil Saalax, ayaa Xafiiskiisa shir jaraaid oo uu ku qabtay waxa uu kaga warramay heshiish ay la galeen Shirkadda Google iyo adeegyo kale oo ay shirkaddaasi soo kordhisay, isaga oo adeegyadaa Maareeyuhu midh-midh sharraxaad uga bixiyey. “1-    Waxaannu soo kordhinay adeeg qofka u fududaynaya isagoo isticmaalaya SMS  oo aan isticmaalayn Intenet in uu farriin u diri karo saaxiibkii oo ku sugan meel caalamka ka mid ah isagoo isticmaalayn internetka,  adeegaas oo sahlaya in dadku ay wada xidhiidhi karaan iyagoon internet haysan. 2-  Waxa kale oo aanu soo kordhinay adeeg la yidhaahdo Esy Top kaas oo sahlaya in walaalkaa ama qof kale oo la mid ah oo jooga Canada oo kale in mobilekaaga uu kuugu soo shubi karro lacag adeegan oo ah mid caalamiya qofkuna aanu ka warwarayn lacag la,aan ku timaada mobilekiisa.

3- Waxa kale oo ka mid ah adeegyada Shirkada Somtel Adeega la yidhaahdo Dalmar oo ah adeeg aad Semi Cardka Somtel aad ku isticmaali karto in ku dhow shan boqol oo wadan oo caalamka ah. 4- Adeegyada kale ee hadda shaqeeya waxa ka mid ah adeega E-dahab oo ka shaqeeya meelaha waaweyn adeegani maaha adeeg telephoneka oo kaliya ah balse waa adeeg kuu sahlaya in aad isticmaasho Acounka aad ku leedahay Dahabshiil oo aad halkaa ka maamulan karto lacagta Accounka kuugu jirta.

5-Waxa kale oo jira in ay shirkadu macaamiisheeda u soo kordhisay adeeg qofka u fududaynaya in biilka ay somtel ku leedahay uu bixin karro isaga oo aan iman xafiisyada Shirkada  kuna bixin karro mobilekiisa halkaasna uu kala socon karro inta uu leegyahay biilka lagu leeyahay. 6- Waxa kale oo jira adeeg la yidhaa ila soo hadal oo isku xidha Somaliland ,Somalia iyo meel kasta oo ay soomaali joogto isagoo adeegaasi macmiilka u fududaynaya In uu wax ku baran karro isla markaana uu kala socon karro xaalada qoyskiisa iyo dalkaba meel kasta oo uu caalamka ka joogo.” Sidaa ayuu yidhi Cawil Saalax.

Waxa kale oo Madaxa Somtel uu sheegay in ay jiraan adeegyo kale oo ay dhawaan u soo bandhigi doonaan macaamiishooda. Cawil Saalax mar uu ka hadlayey heshiis ay isla khamiistii oo ku beegnayd 8-dii bishan wada galeen Shirkadda Somtel iyo Shirkadda Google, ayaa waxa uu sheegay in uu heshiishkaasi ku qotomay sii xoojinta heshiish ay hore u wada gaadheen labada shirkadood, iyadoo xoojinta heshiishkaasina ay sabab u ahayd ka dib markii ay Shirkadda Somtel ku faaftay caalamka oo dhan, isla markaana sumcad fiican ku yeelatay sidii ay dunida ugu gudbisay Ciyaarihii gobollada dalka ka dhacay oo dhawr bilood ka hor lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net