Shirkadda HASS PETROLEUM oo Dalka Keentay Gaasta Cuntada lagu Karsado oo adeegyadii hore ka casrisan

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda HASS PETROLEUM oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn Somaliland ee soo dejiya shirkadda iyo noocyada kala duwan ee Saliidaha, ayaa soo kordhisay adeeg cusub oo la magic baxay HASS GAS, taas oo ah Gaasta Cuntada lagu karsado oo tayadeedu sarreyso.

Xaflad ballaadhan oo shirkaddu shaacinta adeeggan ugu qabatay Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi, Wasiirka Deegaanka Shukri Baandare, Masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, Masuuliyiinta Shirkadda HASS PETROLEUM iyo marti-sharaf kale.

Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay Agaasimaha Shirkadda HASS PETROLEUM ee Somaliland Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed oo sharraxaad ka bixiyey adeegga ay soo kordhiyeen.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE