Shirkadda Genel Energy oo caddeysay sababta rasmiga ah ee ay shaqaalaheeda ugala baxday Somaliland

GENEL ENERGYAnkara (SLpost)- Shirkada Genel Energy ee hawlaha Sahaminta ka wadday gobolka Togdheer, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta ay shaqaalaheedii ugala baxday Somaliland, tan iyo markii wararka bixitaankoodu soo baxay laba maalmood ka hor.

Sida lagu baahiyey jariiradda Wall Street Journal ee Xarunteedu tahay dalka Maraykanku, Afhayeen u hadlay shirkadda sahaminta shidaalka ee Genel oo ku sugan caasimada Turkiga ee Ankara, ayaa sheegay in xaalado nabadgelyo xumo oo ku soo badnaysa mandaqadda awgeed, ay si ku-meel-gaadh ah u hakiyeen sahamintii ay ka wadday Somaliland. “Xaalada nabadgelyo ee ka soo daraysa gudaha Soomaaliya awgeed, waxaan si ku meel-dhaag ah u hakinay hawlahii sahamin aan Somaliland ka wadnay,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Genel.

Go’aanka shirkada Genel ku hakisay sahaminteedii shidaalka Somaliland oo ah waddan xasilooni ku naaloonaya, ayaa imanaya ka dib markii laba qarax oo wada jir ah ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay Gudaha Muqdisho maalinti Sabtida ee todobaadkan, kaas oo ay ku dhinteen 20 qof.

GenelShirkadda Genel ayaa sahamintooda shidaalka ee Somaliland bilwday horaantii sannadkan, ka dib markii ay liisankooda sahaminta heshay sannadkii hore.

Inkasta oo weli aanay wax shidaal ah ku guulaysan, waxaa la qorshaynayey in ceelkii ugu horeeyey ee shidaal qoditaankiisa laga bilaabo Somaliland sannadka soo socda.

Hadalka afhayeenka Genel ayaan lagu cadeyn inay dib u bilaabi doonaan hawlahooda wakhti dambe, maadama ay sheegeen inay hakiyeen hawlahooda, balse aanay gebi ahaanba joojinayn, inkastoo la sheegay inay soo rarteen qalabkii ay hawlahood u isticmaalayeen isla markaana u diyaar-garoobayaan inay ka dhoofiyaan dekedda Berbera.

SOMLALILANDPOST.NET