Shirkadda Facebook Oo Iska Difaacday Eedo La Xidhiidha Inaanay Baahinin Qoraallada Siyaasaddaha Muxaafidka Ah

New York, (SLpost)- Shirkadda Facebook ayaa iska difaacday eedo loo soo jeediyay oo la xidhiidha inay qariso qoraallada taageersan siyaasaddaha muxaafidka ah.

Warbixin uu daabacay bogga internet-ka ee baahiya wararka tiknoolajiyadda, Gizmodo, ayaa sheegay in shaqaalaha shirkadda ee u xil saaran qoraallada lagu baahiyo Facebook oo ay adeegsadaan 1.6 bilyan oo qof ay inta badan si ula kac ah u qariyaan qoraallada ay diidan yihiin.

Madaxa qaybta baahinta qoraallada ee shirkadda, Tom Stocky, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in shirkaddu aanay helin wax cadaynaya eedaha loo soo jeediyay inay run yihiin.

Eedahan waxa Facebook loo soo jeediyay ka dib markii, Mark Zuckerber, oo ah ninka aasaasay Facebook si badheedh ah u dhaleeceeyay siyaasadaha ninka la filayo inuu madaxtinimada Maraykanka u tartamo ee Donald Trump isagoo yidhi. “Waxaan maqlayaa hadallo cabsi badan leh oo ku baaqay in gidaarro la iskaga xidho dadka ay ku sheegaan inaanay iyaga ahayn”.

Hase yeeshee, shirkaddu waxay ku adkaysatay in aragtidaa Zuckerber aanay sinaba sabab ugu ahayn in qoraallada Facebook lagu baahiyo si kala duwan loo qiimeeyo.

 

Hargeisa Office