Shirkadda DNO oo Ka Hadashay Sababta ay u Danaynayso Sahaminta Shidaal Somaliland

DNO logoDubai (SLpost)- Shirkadda sahaminta shidaalka Norway ee DNO oo dhowaan Xukuumadda Somaliland heshiis kula saxeextay dalka Maraykanka, ayaa caddeysay sababta ay ugu dhiiradeen sahamin Shidaalka ee Somaliland.

Madaxa Hawl-gallada ee shirkadda Magne Normann, ayaa sheegay in Shirkaddoodu waayo-aragnimo u leedahay inay ku hawl-gasho xaalad kasta oo adag iyo Shidaal baadhista dalalka aan la aqoonsan.

Masuulkani waxa uu shegay in Shirkadda DNO ay markii u horreysay ku guuleysatay Shidaalka laga soo saaro gobolka Kurdistan ee dalka Ciraaq, “Hawlgalka Kurdistan halis looma arko, laakiin, 2004, markii aanu bilownay waxuu ahaa dal aan kaabayaal lahayn sahamin shidaal lahayn,” ayuu yidhi Mr Normann.

Marka laga yimaaddo heshiiska ay Somaliland la gashay, waxa ay shirkaddani sidoo kale ogolaanshiyo ka haysataa Sahamin Shidaal oo ay samaynayso dalka Tuniisiya.

Normann oo u warramay jariirrada The National ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxa uu ka warbixiyey caqadaha ay waayo-aragnimada u haystaan ee Shirkadaha Shidaalka kala soo gudboonaada meelaha qaar, waxaanu yidhi, “Kurdistan, ma jirin bangi lacagaha qalaad (dollar) bixiya, xataa ma jirin khad telefoon caalami ah laga dirsado. Somaliland meelo badan ayey iska shaabahaan, sida kaabayaal kooban, waa inaan keensanaa dhamaan qalabka aan u baahan nahay, sidii aanu ka samaynay Kurdistan sannadkii 2004.”

Waxa uu Sarkaalkani sheegay ka faa’idaysan doonaan baadhitaannada Shidaalka ee hore looga sameeyey Somaliland, “U adeegsiga qalab casri ah baadhitaanadii hore looga sameeyey, wax weyn ayey naga caawin doonaan,” ayuu yidhi Mr Normann.

SOMALILANDPOST.NET