Shirkadda Daabacadda Sagaljet oo Abaalmarinno ku maamuustay Shaqaaleeda Kartida muujiyey sannadkii dhammaaday

“Qofka kaa Shaqaale wanaagsan iyo qofka kaa Istaraatajiyad fiican waligaa ma gaadhid, SAGALJET-na sidaasoo kale ayay tahay” 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Daabacaadda ee SAGALJET, ayaa maanta abaal-marinno guddoonsiisay qaar ka mid ah shaqaale-weynaha ee shirkadda ee shaqo-wanaagga iyo dedaalka dheeraadka muujiyey sannadkii tagay ee 2018-kii.

Munaasibad ballaadhan oo shirkaddu maanta ku qabatay magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay Wasiirka Shaqo-gelinta, Marwo Edna Aadan, Guddoomiyaha Shirkadda Sagaljet iyo shaqaale-weynaha shirkadda.

Shirkadda Daabacadda Sagaljet oo Abaalmarinno ku maamuustay Shaqaaleeda Kartida muujiyey sannadkii dhammaadayGuddoomiyaha Shirkadda Sagaljet, Cabdi Yuusuf Aar oo ugu horeyn ka hadlay munaasibadda, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada shirkaddu ka leedahay munaasibadda noocan ah oo uu sheegay inay qabtaan sannad kasta, taas oo uu ku tilmaamay mid qayb laxaad leh ka qaadata horumarka shirkadda iyo shaqaalaheeda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in munaasibaddan sannadlaha ah ay ka soo qayb-galaan shaqaale-weynaha shirkadda ee dalka iyo waddamada deriska ah, isla markaana ay ugu dabbaal-degaan horumarka iyo guulaha shirkaddu ku tallaabsatay sannadkii tagay. 

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE.